Madaxweyne Silaanyo oo dhagacdhigay wado 18km ah oo isku xidhaysa Wajaale iyo Gabiley

Gabiley (Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo 18km ah oo isku xidhaysa degmooyinka Kala-baydh iyo Wajaalle ee gobolka Gabiley ee Glbeedka Somaliland.

Weftiga madaxweynaha waxa halkaasi ku qaabilay Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timocad), Badhasaabka Gobolka Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley,

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa markii uu soo dhammaystay safarkiisa, waxa uu si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gabiley, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay halkaasi ayaa dadweynaha reer Gabiley uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu tilmaamay in xukuumadiisu wixii awoodeeda ah aanay waxba kala hadhi doonin horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka Gabiley

.Berberanews.com

info@berberanews.com