Dallada SONSAF Oo Komishanka Doorashooyinka kala hadlay in wax laga qabto Cabashada Goobaha Codbixinta Gobolka Saaxil


Hargeysa-(Berberanews)- Gudomiyaha Dallada SONSAF,Prof Aadan X. Cali Axmed, ay la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kaasoo ay kaga wada hadleen wax-ka-qabashada cabashada goobaha codbixinta Gobolka Saaxil oo  dadweynaha iyo cuqaasha Gobolkaasi qawadeen goobaha codbixinta oo ay sheegeen inaanay ku filnayn Gobolka oo ay aad u yaryihiin.

 

Gudoomiyaha Dalladda SONSAF waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo uu faahfaahin kaga bixiyay arrimo door ah oo la xidhiidha doorashooyinka Deegaanka, isagoo faahfaahin ka bixiyay kulan ay la qaateen Gudda Madaxa Banaan Doorashooyinka, kaasi oo ay wadajir ugu lafo-gureen arrimo dhowra oo la xidhiidhaxa doorashada oo ay ka mid ahayd in wax laga qabto cabashada Saaxil ka soo yeedhaysa, isagoo arrrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,

 “Maanta shir baannu la yelanay Guiddida Doorashada qodobadii ugu muhiimsanaa ee laysla soo qaadey waxaa ka mid ahaa dhowr qodob, qodobka koowad waxa uu ahaa cabashada ka soo baxdey goobaha codbixinta Saaxil waxaana islaqaadanay in cabashadaa wax lagaqabto, qodobka labaad soo jeedinay in wacyigalin la sammeyo laxidhiidha arimaha doorashoyinka sida khatarta ku celcelinta codka iyadoo muwaadin walba xaq u leeyahay halmar inuu codeeeyo, sidoo kalana lagu wacyi galiyo si nabada loo ilaaliyo, wacyi galintaa anaguna daraf ayaan ka hayn, waxaa kaloo la naaqishay in hantida dowlada aan ololaha loo adeegsan,shaqaalaha dowladana aaney ka qeyb galin waxaana laysla qaatey in shaqaalaha aanu sharcigu u ogaleyn aaney ka qeyb galin,. Ugu dambeyn waxaan soo jeedinaynaa bulshoweynta Somaliland in lagu dadaalo ineynu  lakala reebo ururada iyo axsabta tartamaya iyadoo aaney wax dhiba inagu keenin qarankeenuna halkaa inooga siisocda nabada lagu dadaalo iyadoo gacmaha lays heysto”.

Prof. Aadan X. Cali Axmed, ayaa sheegay inay sameeyeen gudi madaxbanana oo dusha  kala socon doona habami u socodka arrimaha doorashada iyo muraaqibiin maxaliya oo la socda arrimaha doorashooyinka. “Waxaannu abaabulnay gudi madaxbanan oo la yidhaahdo (Somaliland Moniting Election), oo ah gudi madaxbanaan oo doorashooyinka la socda oo aan eegin maalinta doorashada dhacayso ee ka hor isha ku haya diyaar garowgeeda xaaladuhu sidey u socdaan, maxaa caqabad iman kara?  si ay u fududaato marba marxalada taagan in wax laga qabto, markaa gudidaas ku dhawaad laba biloodba wey sameysnaayeen,”

 

Prof. Aadan X. Cali Axmed waxa uu ka hadlay qaabdhismeedka Guddida, “qaab dhismeed koodu waa 18 xubnood Hargeysa oo xarunta dhexe ah iyo lixda gobol oo aannu min shan xubnood ah oo gobol walba gaar ula socda, maalinta doorashadu dhacayso gudigaasi goob joogayaal ayay noqonayaan doorashada kadibna lasii soconaya, waana gudi madaxbanan, waana howsha aannu wadnay si doorashadu ugu dhacdo six or iyo xaal ah oo nabada”.ayuu yidhi Prof. Aadan X. Cali Gudoomiyaha Dalada SONSOF,

 

Guddoomiyuhu waxa uu sharraxaad ka bixiyay muraaqibiin muxaliya oo Dalladu u diyaarisay inay qiimeeyaan codaynat doorashada Deegaanka, waxaannu yidhi, muraaqiin maxali ah oo daladooda sameeyey ku “Arrinta kale ee aanu wadnay hadaanu nahay ururada rayidka, waa muraaqibiinta maxaliga ah sidii doorashadii 2000 dhacdeyba iyada sanadkan musiiliyadeeda ayaanu gacanta ku heynay 700 ayaan dhamaan goobaha codbixinta dhignay waxaana soo

xulay ururada ka tirsanSONSAF gobol walba wey ka yimaadeen waxaana loo furey tababar bishan horaanteedii gobolada qaarkoodna wiigan ayuu u furmayaa, waxaana muqaaqibiintan layidhaa muraaqibiinta maxaliga ah waana 700 qof, waxaana ay wataan agabkoodii, qalabkoodii iyo tabo baradoodii gaadiidkoodu masuuliyadas baaxada leh ayaanu heynay wadanka oo dhan ayaa dhignay, ilaa imikana si wanaagsan ayay noogu socotaa.  qoladan la soconeysa doorashooyinka isha kuheyneysa waa gaar, qoladan muraaqibiinta ahana waa gaar hadhowna waxaanu soo saareynaa ugu dambeyn natiijada loogu talagala. Muraaqibiinta waa doorashadu ma u dhacdey six or iyo xalaal ah oo aanu la wadaag no cidkasta oo khuseyso”. Ayuu yidhi G.SONSAF

 

Berberanews.com

info@berberanews.com