“Caqabada ugu wayni waxay dhalinyarada ka haysataa shaqo La’aan sababtey werwer nololeed Khatar Ku Noqonaysa Amaanka..”Gudd Cusub ee Dallada SONYO

Hargeysa, December, 30, 2012 (Berberanews) – Guddoomiyaha cusub ee dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sida uu u arko xilkaas loo doortey habeen hore, isla markaana ka warbixiyey qorshahoodu waxa uu yahay mudada ay xilka daladaas hayaan, kaas oo xusay inay u hawlgali doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dhalinyarada dalka ka haysata oo uu tilmaamay inay ugu wayntahay shaqo la’aantu.

Mubaarig Ismaaciil taani oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo tartan aan ka dhicin ka axsaabta dalka u galay xilka Guddoomiyaha dalada dhalinyarada wadanka ayaa waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Hargeysa  Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Wargeyska Haatuf, kaas oo tafaasiil kaga bixiyey sida ay u kala horeeyaan wax ka qabashada caqabadaha dhalinyarada haystaa.

Mubaarig Taani ayaa waxa uu sidoo kale  ka digay cawaaqib xumo ka dhalankarta hadii aan xil la iska wada saarin wax ka qabashada caqabadahaas, kaas oo ku baaqay in si wada jir ah la iskaga kaashado cidhibtirka khatarahaas, kuna booriyey xukuumadda talada haysa inay sii wado cidhibtirka xeerarka dhalinyarada ka hortaagan inay shaqooyinka qaar qabtaan.

 

Guddoomiyaha cusub ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani Waraysigaas oo uu kaga hadlay arimahaas iyo kuwo kale oo door ah ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya sida uu u arko xilka loo doortay, waxa uu yidhi “Run ahaantii walal Xilka habeen hore la ii doortey waxaan u arkaa mid culus oo dadaal iyo xilkasnimo badan iiga baahan ayaan u arkaa. Dhinac marka aad ka eegto waa ii farxad oo hawl aad dedeaal iyo hawl badan u soo gashay inaad ku guulaysataa waa kuu farxad  laakiin waxa taas barbar socda oo aan dareemayaa culayska iyo masuuliyada aan qaaday maadaama oo dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ay tahay dalad Qaran oo kulmisa ay hadhsanayaan dhamaan dhalinyarada reer Somaliland oo dhan, markaa Werwer badan ayaa runtii iga haya xilkaas culus ee la ii doortey”. Guddoomiyaha Cusub ee SONYO Mubaarik Taani mar wax laga waydiiyey qorshihiisa waxa uu yahay iyo arimaha hogaankooda cusub ay isleeyihiin ka qabta caqabadaha dhalinyarada dalka haysata, waxa uu yidhi “SONYO waa gabood Qaran oo ah sawirkii dhalinyarada Somaliland ee magaalooyinka iyo degmooyinka dalka oo dhan ku nool, markaa maadaama oo daladan ay hadhsanayaan dhalinyarada dalka oo dhan, isla markaana aynu ognahay in dhalinyaradu ay 70% ama 75% ay ka yihiin bulshadda Somaliland waxaad garankartaa culayska iyo kaalinta ay daladu ku leedahay bulshadda wadanka, taas oo si wax wanaagsan loo qabto nalooga baahan yahay dedaal badan, daacadnimo iyo karti xoogan oo hadii aanu la nimaadno wax badan laga qabankaro caqabadaha horyaala dhalinarada Somaliland. Mida kale waxa aan aaminsanahay hadii aan la dadaalin inaan waxba la badali karin, waxaana la inooga baahan yahay isbedel dhaqaale oo hadii la helo sababaya in wax badan nolosha dadkeena iska badesho oo aynu noqono dad xaga caafimaadka iyo waxbarashada ka dhisan, isla markaana Isbedel dhaqaale oo ay daladani hesho waxay noo saamaxaysaan in ururada dalada hoos yimaada aqoontooda la kobciyo  oo dhalinyarada loo siinkaro tababaro horseedaya horumar dhalinyarada wadanku ka samayso dhinacyo badan. Sidoo kale waxa aanu ku dedaali doonaa inaanay daladu la duruuf noqonin wadanka maadaama dhalinyarada Somaliland oo dhan, waxaananu ku dadaali doonaa sidii aanu xidhiidho ula samayn lahayn dhalinarada dunida horumartey si aynu dadkeena u barno arimaha bulshooyinku ku horumaraan oo ay Waxbarashadu ugu horayso. Xidhiidhada caalamiga ah ee aynu samaynaana waxa ay horseedayaan inaynu dhaqaale iyo arimo badan oo faa’ido inoo leh ay hesho dhalinarada wadanka ee shaqo la’aantu aafaysay, wax badana ka badali doonto culays shaqo la’aanta ee maanta Somaliland ka jira, mida kale isbedelka dhaqaale ee ku yimaada dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxa uu keenayaa inay ka faa’idaystaan 54 urur ee hoosyimaada dalada oo ah kuwo dhalinyaro tiro badan oo reer Somaliland ahi ay ka faa’idaysan doonaan, markaa walal marka aan soo koobo isbedel ayaanu doonaynaa inuu ku yimaado dalada”.

 

Guddoomiyaha Dalada SONYO Mubaarik Taani mar wax laga waydiiyey kaalintooda shaqo la’aanta dalka ka jirta, waxa uu yidhi “Walaal waxa aynu ognahay run ahaantii in caqabada ugu wayn ee dhalinyarada Somaliland maanta haystaa inuu yahay Shaqo la’aan, mida kale hadii barigii hore la odhan jiray dhalinyarada aqoon iyo waayo-aragnimo ayaa ka maqan dhalinyarada Somaliland maanta tii meesha  way ka baxday ee waxa ka maqan ee caqabada ugu wayn ku ah dhalinyaradu waa shaqo la’aan sababtey werwer nololeed oo horleh, isla markaana hadii ay sii korodho waxay caqabad ku noqonaysaa nolasha bulshadda wadanka oo waxa ay khatar ku noqonaysaa amaanka  iyo kala-danbaynta wadanka, runtii hadii aynaan iska kaashan oo aynaan wax ka qabanina nabadgalyada aynu ku caano maalnay ma sii haysankarno, mana sii hiigsankarno horumarka aynu ku taamayno, markaa waxaynu ka hawlgali sidii dhalinyarada Somaliland loogu abuuri lahaa shaqooyin, xukuumadda Somaliland iyo cidkasta oo wax nagala qabankartana waanu kala kaashan doonaa Insha Allaah arimahaas. Mida kale waxa jira shuruuc uu wadankeenu leeyahay oo ka hadlaysa shaqooyinka, shuruucdaas laftigeena waxaanu jeclaan lahayn in wixii caqabado ah ee ku jira ee dhalinyarada ka hortaagan shaqooyinka in wax ka badel lagu sameeyo, dawladda Somaliland Insha Allaah arimahaas waanu kala hadli doonaa”. Mubaarig Ismaaciil Taani mar wax laga waydiiyey arimaha ugu waawayn ee ay isleeyihiin hogaan ahaan wax ka qabta si la idiinku soo xasuusto, sida hogaankii ka horeeyey loogu xasuusan doono doorkoodii Xeerkii dhalinyarada ka hortaagnaa siyaasada ee meesha laga saaray oo ay SONYO kaalin muuqda ku lahayd, waxa uu yidhi “Runtii waan kugu raacsanahay arintaas oo dalada SONYO hadii ay matasho dhalinyarada dalka oo dhan, qorshaheedu waxa uu ahaa in lagala dagaalo caqabadkasta oo dhalinyarada ka hortaagan kaalintooda bulshadda, Xeerkaas aad sheegteyna waxa uu ahaa mid ka hortaagnaa dhalinyarada dalka inay ka qaybqaataan siyaasada wadanka iyo kaalinta ay ku lahaayeen, isla markaana xeerkaas dabarka ku ahaa dhalinyarada ee la jaray waxa uu keenay guul wayn oo maantaba midhaheedii la arkayo oo hadii aad eegto waxa taariikhda dalka markii ugu horaysay soo baxay Maayiro dhalinyaro ah iyo xildhibaano badan oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maayirka Degmadda Boorama iyo Maayirka Oodwayne, arimahaas oo dhana walaal waa guul ay maanta wada gaadhay dhalinyarada wadanku oo ay daladu ku faanayso. Sidoo kale anaguna waxa aanu leenahay qorshayaal badan oo aanu jecel nahay inay fulaan mudada aanu joogno oo nalagu xasuusan doono Insha Allaah”.

 

Guddoomiye Taani mar wax laga waydiiyey sababta ay tartanka hogaankoodu u ay qaab kooxaysi ama gobolaysi ah ay ugu tartamaan, waxa uu ku jawaabay “Dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO waxa hoosyimaada 54 urur oo dalka oo dhan ka jira, daladuna waa mid Qaran oo matalaysa dhalinyarada wadanka oo dhan, taas oo aad dareemi karto baaxada dadka ay matalayso SONYO, su’aasha aad i waydiisay hadii aan u soo noqdo-na maadaama oo dadka ay dhalinyaradu ay matalaysaa ay sidaas u baaxad wayn yihiin waxaad garankartaa in tartanka loo galayo hogaankeeda iyo golaha sare ee daladu inuu cuslaanayo, isla markaana masuuliyiinta loo doortaa ay matalayaan dhalinyarada wadanka oo dhan, waxaanan qabaa in qofkastaa iska fahmi karo dadka uu hunguri kaga jiro hogaanka daladu dadaalka iyo juhdiga ay u galayaan, waana run oo way dhacdaa in gobolaysi iyo qaabka xisbiyada siyaasadu u tartamaan inay meel ka shabahdo laakiin waxaan qabaa in arimahaasi marba marka ka danbaysa ay meesha ka sii baxayso oo runtii doorkii ugu danbeeyeyna arimahaasi aad ayey u yaraayeen, doorarkii ka horeeyey may badnayn arimahaasi, laakiin waxaanu hadana jecelnahay oo aanu ku dadaali doonaa in arimahaasi meesha ka baxaan oo qofkasta oo dhalinyarada reer Somaliland ka mid ahiba uu ku tartamo kartidiisa, aqoontiisa iyo dedaalkiisa, inkasta oo dhalinyarada laftigeedu ay wax la qabto daruufta taala wadanka hadana waxaanu ku dadaali doonaa inay meesha ka baxaan Qabyaalada, isbahaysiga iyo gobolaysiguba oo qofkii tartamaya lagu doorto cadaalad iyo kartidiisa shaqo”.

Berberanews.com

info@berberanews.com