Sooyaalka farta iyo buugga – Qalinkii Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Fanka-(Berberanews)-Xog isu gudbintu waa abuurta dadka, waana asaaska xidhiidhka, iskaashiga iyo wada shaqaynta. Taa darteed kolka horeba dabciga qofka ayay ku jirtaa in uu fikirka iyo dareenka la qaybsado dadka kale. Dhanka kalena baahida nolosha ayaa keentay in la hindiso tab iyo xeelado walba oo lagu xidhiidhi karo oo aan dhawaaqa afka uun ahayn, iyo agab walba oo wax la isugu gudbin karo ama xog lagu kaydin karo: hadal, baaq, caroog, durbaan, oog iyo meel wax lagu xardho. In hadalka la qoro iyada oo la adeegsanayo far xarfo ka koobani waxa ay ka mid tahay dadaalkaa soojireenka ah, waxa ayna noqotay sida ugu waxtarsan uguna tayo wacan siyaalaha farriinta la isugu gudbiyo.

Hawd

Boqollaal kun oo sannadood hortood ayuu aadamigu isku dayay in uu wax u sheego cid aan kolkaa la joogin ama faca dambe. Taasi waxa ay ka bilaabatay in wax lagu sawiro derbiyada boholihii lagu noolaan jiray ama sallaxa dhagaxa, iyada oo la adeegsanayo dhuxul iyo midabyo kale. Waxaa la sawiri jiray waxyaalo ku saabsan nolol maalmeedda sida dad, ugaadh, hawl ugaadhsi, qalabka nolosha loo adeegsado, dugaag iyo walxo laga saacidaysto ama la caabudo. Farta iyo wax ku qoristeeduna wax kale ma aha ee waa dhaqankaas oo horumar lagu sii sameeyay.

Farta dunida ugu fac weyn ee maanta la hayo waxaa laga helay magaalada abaadday ee Uruuk oo ku taalla Mesobataamiya (Ciraaq). Fartaas oo qolaba wax u taqaanno ingiriisida waxaa loogu turjumay Cuneiform script, waxaana la qiyaasay in soo baxday xilli ka fog 3000 oo sano Ciise hortii.Inta badan qoraallada fartaa ku dhigani waxa ay ku yaallaan xalleefyo ka samaysan dhoobo la qallajiyay, iyo weliba dhagxaan lagu xardhay, waana xisaabo dhaqaale oo wax lagu ka la iibsaday. Masar ayay iyadana isla xilligaa ka abuurantay farta lagu magacaabo hirogliif (hieroglyphs). Meel kastana waxyaalihii ugu horreeyay ee la qoray waxa ay ka hadlaan tirada iyo tayada alaabo la isdhafsanayo, arrimo diineed iyo xeerarkii lagu dhaqmayay.

Bilawgii fartu waxa ay ahayd astaamo waxa lagu sheegayo muuq ahaan sawira. Tusaale ahaan haddii gacan laga hadlayo waxaa la sawirayay gacan, sac haddii loo dan lee yahay laba gees, maalintana qorrax baa lagu astayn jiray. Taas ayaa dabadeed muddo dheer ka dib u gudubtay in la qoro astaan/xaraf u taagan cod afka ah.

Soo bixidda fartu ma ahayn wax mar uun iska dhacay, qunyar qunyar ayay se uga dhex kobcday afaf badan iyo dhulal ka la duwan. Ta Ciraaq iyo ta Masarka dib waxa ay kale oo ka dhaqangashay dhulalka Hindiya, Giriigga iyo Shiinaha.

Farta Mesobataamiya ama Ciraaq ka dhalatay waxa ay ku faaftay afaf badan oo lagaga hadli jiray gobolka maanta loo yaqaan Bariga Dhexe, waxaana la soo adeegsanayay ilaa Nebi Ciise. Farta loo yaqaan alifba ee aynnu maant af soomaaliga u adeegsanno oo tii masaarida laga soo dheegay asal ahaan waxa ay soo baxday abbaaro 2000 C.h.

Faraha dunida soo maray waxa ugu weyn ee ay ku ka la duwanaayeen waa dhanka loo qoro. Tusaale ahaan hirogliifka masaarida waxaa loo qori jiray dhankii la doono: bidix iyo midig, kor iyo hoos. Alifbada iyadana bilawgii waxaa loo qori jiray dhan walba. Dabadeed farta Giriigga iyo kuwii ka sii tafiirmay ayaa u cagadhigtay in midig loo qoro iyada oo sadarrada la isku hoos taxayo.

Haddii ay fartu ku bilaabatay astaamo sawir u ah waxa la tilmaamayo, dabadeed u horumartay xaraf u taagan cod afka ah, farta alifba waa isku jir. Tusaale ahaan xarfaheedu, sida b, t, j, waxa ay u taagan yihiin codad aynnu ku barannay, laakiin astaamaha ? & , ” ! ) iyagu codad ma aha ee waa calaamado aynnu wax isuku tusno.

Haddaba farta alifba oo sida aynnu xusnay ku abtirsata hirogliifkii masaarida oo aad isu soo bedbeddeshay waxa ay soo martay iyada oo ah wada shibbane miidhan ah oo aan shaqal lahayn, sida ay tusaale ahaan imika farta carabidu tahay kolka aan la xarakayn. Dabadeed iyada ayaa u sii gudubtay far isla alifba ah oo ka dhalatay dhulka Shaam ee dadkii fiiniiqiga la odhan jiray degganaayeen, fartaas oo loo yaqaan fiiniiqi. Haddana qiyaastii 1050 C.h. taa fiiniiqiga ayaa sii horumartay iyada oo ka kooban 22 xaraf oo wada shibbane ah loona qoro bidix. Taas ayay ka sii dhasheen faraha la ka la yidhaahdo cibriga, giriigga iyo aramaa’iga (armiin). Fartan ugu dambaysa ayay ka sii baxeen carabida iyo kuwo kale oo ka jira qaaradda Hindiya. Qaybtii Giriigga u gudubtay ayay ka sii tafiirantay fartan laatiinka ee maanta af soomaaligu ku qoran yahay.

Ilaa maalintaa idil ahaan farihii la soo adeegsaday waxa ay ka koobnaayeen shibbanayaal engegan, mana ay lahayn shaqallo lagu higgaadiyo. Taasi dabcan waxa ay dhimaysay garashada buuxda ee waxa la akhriyayo. Haddaba farta Giriigga intii aan laatiinku ka farcamin isbeddel weyn ayay ku samaysay alifba dii Fiiniiqiga ee u dambaysay. Isbeddelkaa waxaa ugu doorranaa fikrad cusub oo ah shaqallo lagu higgaadiyo shibbanayaasha. Xarfihii afka Giriigga dheeriga ku noqday ee ay iska tuuri lahaayeen ayay u adeegsadeen shaqal ahaan. Keenista shaqalku waxa ay ahayd guul weyn oo farta dunida u soo hoyatay, waayo maalintaa ka dib waxaa suurtogashay eraygii in si sugan loo higgaadiyo. Awel hadalka shibbanayaal aan shaqal lahayn ku qoran akhriska waxaa la la miciinsan jiray male iyo qiyaas, sida carabidu imika yahay kolka aanu xarakaysnayn. Sidaas ayay higgaaddaasi Giriigga u saldhigatay sannadihii 740 C.h., sidaa ayayna innagu soo gaadhay iyada oo laatiinka soo martay. Ha yeeshee shibbanayaasha iyo shaqallada fartaas cid waliba sida iyada la qumman ayay u adeegsatay. Tusaale ahaan xarfaha qaarkood dhawaaqyada ay af laatiinka ku lahaayeen af soomaaliga waa aynnu ka duwnay sida x c, iyo q.

Hirgelinta farta iyo waxqorista oo ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee aadamigu qaaday waxa ay fududaysay nolosha oo dhan, waayo waxa ay suurtogelisay in xogta, aqoonta, waayo’aragnimada iyo dareenka habsami la isugu gudbiyo. Waxa ay korisay wacyiga dadka, waxa ayna xoojisay oo dhiirrigelisay waxsoosaarka maskaxeed jaad walba.

Hadalkii iyo garashadii dadka ee awel dabayshu sidatay ee waqtigu dilayay qoristu waxa ay u noqotay weel lagu dhaamiyo oo lagu dhiteeyo. Qiyaastii 2600 C.h ayuu dadku markii kowaad bilaabay in uu reebo wax qoran oo la akhriyi karo. Waxaa se la yidhi qoraagii ugu horreeyay dunidu waxa ay ahayd haweenay lagu magacaabi jiray Enheduanna oo ku noolayd magaalada Uruuk qiyaastii 2250 C.h. Waxa ay ahayd baa la yidhi wadaadad u sarraysa macbadka magaaladaas, waxa ayna qortay ducooyinka lagu cibaadaysto, ducooyinkaas oo awel afka uun laga akhriyi jiray. Iyada waxaa ku xigay ninka magaciisu shaacay ee Giriiggga ah lana yidhaahdo Homeros, kaas oo noolaa 600 C.h. Ninkaasi waxa uu qoray maansooyin badan oo sheeko ahaan u dhigan kuna saabsan taariikho iyo sheekoxariiro bulshadiisu lahayd. Maansooyinkaas oo laba qaybood ah oo lagu ka la turjumay Ilion iyo Odysseen muddo dheer waxaa loo haystay in uu Homeros isagu curiyay, waxa ay se taariikhda dambe caddaysay in ay ahaayeen waxyaalo soojireen ahaa oo uu ururiyay oo qoraal isugu geeyay.

Adeegsiga farta haddaba waxaa isku dhaafay bulshooyinka afka uun wax isaga tebiya iyo kuwa wax qora. Qolada hore hadalka waxa ay ka qiimaysaa inta ay xusuusan karto ee sida ugu fudud u hayn karto. Waxyaalaha muuqda ee la taaban karo ama tooska la isu la garanayo ayay qoladani fikirka u adeegsataa. Isla markaa aqoonteeda iyo waayo’aragmimada badankeedu waa ay ka lumaan, waana sababta dadka da’da weyn bulshooyinkaasi u qiimeeyaan, waayo iyaga ayaa ah xusuusta taarikhda laga hayo. Sidaa darteed bulshooyinka aan wax qorin aqoontooda iyo waxsoosaarkooda maskaxeed aad u ma kobcaan.

Taa beddelkeeda, bulshada wax qorta ku ma shuqlana in ay xogta ku hayso xusuusta maskaxda, waayo wixii qoraal ayuu ugu kaydsan yahay, sidaa darteed waxa ay haysataa fursad ay waxaa ku sii horumariso oo inta ay sii rogrogto ku talaxtagto. Isku tayo noqon maayaan halabuur afka laga tirinayo oo dabaysha raacaya, iyo mid la qorayo oo intii la doono la wadi karo iyada oo aan la isku shuqlin xusuusnaanta wixii la soo yidhi iyo sidii loo yidhi. Sababtaas ayay bulshooyinka wax qoraa u lee yihiin sheekooyin dhaadheer oo qaabaysan, halka ay qolada afka uun ka hadasha waxeedu yihiin qisooyin gaagaaban oo googoos ah. Taa ka sokow bulshooyinka wax qora waxaa isu gaadha oo qarniyo la isu gudbiyaa aqoonta qoran.

 

Far soomaalida

 

In kasta oo ay sugan tahay qorista af soomaaligu taariikhdii hore in aanay hirgelin, haddana garasho ahaan waa la malayn karaa in ay jireen iskuday taa ku saabsani oo weligood soo taxnaa. Kollayba soomaalidu bulshooyinka kale ee dunida ayay ka la mid ahayd baahida ah in ay hadalka u gudbiso heer aan afka uun ahayn oo lagu xidhiidhi karo. Waxaa kale oo malahaa xoojinaya meesha ay soomaalidu juquraafi ahaan dunida kaga taallo oo ah marin ay ilbaxnimooyinka dunidu weligood galaabaxayeen, kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwan cusub intuba. Taa waxaa dheer labada ummadood ee soomaalida hareeraha ka xiga (carabta iyo xabashida) oo muddo dheer afkoodu qornaa. Sidaa darteed waa la garan karaa in aan laga xog la’ayn jiritaanka fanka qorista, waana ay adkayd in la ismoogaysiiyo.

In aan maanta la hayn raadad hore oo muujinaya far soomaali jiri jirtay macnaheedu ma aha in aanay jirin, waayo wax qorista aan hirgelin qudheeda ayaa ka mid ah sababaha aynnaan taa maanta wax uga ogaan karin. Nasiibxumo wax waliba qoraal la’aan ayay u lumi jireen. Isla markaa la ma hayo aqoon soomaaliyeed oo u banbaxday soo baadhidda wixii jiri jiray ee masaladan ku saabsan. War u ma haynno waxa laga heli lahaa haddii cilmi ahaan loo baadho oo la qodo degellada soomaaliyeed ee gaboobay sida Saylac, Berbera, Maydh, Xaafuun, iyo magaalooyinka badan ee Banaadir.

Dhanka kale, fartu haddii aanay xilli hore soomaalida dhab uga dhaqangelin waxaa lagu xidhi karaa duruufo bulsheed oo ay reer guuraannimadu ugu horreyso. Waa run inta la xusuusto soomaalidu in ay reer guuraa u badnayd, nolosha reer guuraaguna waa mid fudud oo waxa la haysto ama lagu shuqlan yahay aad u kooban yihiin. Taasi waxa ay ka duwan tahay ta beeraleyda, ta ganacsatada iyo ta magaalada oo ay hab-nololeedkooda lamahuraan u tahay xisaabta, cabbirka, tirokoobka, kaydinta, qiimaynta tayada iwm. Sababtaas ayay fartu uga dhalatay ugana hanaqaadday dhulalka ay ku xoogaysteen beerashada iyo ganacsigu (tusaale ahaan Masar, Fiiniqiya, Mesobataamiya, Hindiya, Shiinaha, Giriigga iyo Xabashida).

Iyada oo weligeedba uu jiray dadaal ku saabsanaa hindisid far soomaali, xilliyadii dambe ee la xusuusan karo dadaalkaas midhihiisa waa la arkay. Waxaa la caddeeyay farta carabida in dhulka soomaalida laga adeegsan jiray taas oo maanta loogu yeedho Far wadaad. Magacaa waxaa loogu bixiyay wadaaddada ayaa badanaa ahaa qolada taqaan far carabida ay diinta ku barteen, iyaga ayaana fartaa u adeegsan jiray gudbinta farriimaha iyaga oo ku qoraya carbeed, ama af soomaali iyo af carbeed isku badhxan. Wadaadkii magaca weynaa ee la odhan jiray Sheekh Aweys ayaa laga xusuustaa dadkii sameeyay far soomaali ku dhisan xuruufta carabida.

Farta aadka u caanbaxday ee loo yaqaan Cismaaniya, oo firfircooni weyn ku yeelatay Koonfurta Soomaaliya, isuna dhigtay in ay noqoto ta af soomaaliga loo qaadanayo, ayaa ugu mudnayd dadaalladii hore ee far soomaali lagu raadinayay. Cismaan Keenaddiid oo ahaa nin gabyaa ah  ayaa fartaa curiyay waqti u dhexeeyay 1920 – 1922. Waxaa kale oo la hayaa far la baxday Boorama taas oo uu Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur sannadkii 1933 ka abuuray degmada Boorama kuna dhaqmay.

Iskudaygaa waxaa ka mid ahaa firfircooni badan oo ay dad Yurub u dhashay arrinta geliyeen hayeeshee sababo aan la garanayn u hirgeli waayay. Jarmal, Ingiriis iyo Talyaani intuba taa waa ay sameeyeen. Agagaarka Dagaalweynihii II maamulkii Ingiriisku isaguna waa kii isku dayay in uu hirgeliyo far soomaali ku qoran xarfaha laatiinka, ha yeeshee dadweynaha oo wadaaddadu hoggaaminayaan ayaa ka horyimid iyaga oo leh “laatiin waa laa diin”, waayo waxaa loo arkay wax Diinta Islaamka lagu wiiqayo.

Dad door ah oo uu ka mid ahaa Xaaji Muuse Ismaaciil Galaal ayaa sannadihii kontonnadii iyo lixdannadii oo dhan waday halgan lagu doonayo in mar uun la helo far af soomaaliga loo adeegsado. Haddana laga soo bilaabo horraantii sannadihii lixdannadii kolkii dawladnimada la qaatay, guddi hawsha farta loo xilsaaray sida la sheegay waxa ay heleen hindisayaal badan oo ku saabsan farta ugu habboon, waxaana la keenay jaadad badan oo ay ka mid yihiin laatiin, carabi iyo kuwo cusub oo la abuuray. Ha yeeshee guddiddii waa ay ku adkaatay in ay go’aan qaadato sababta oo ah faraha tartamayay iyo awoodaha ku hirdamayay ayaa badnaa. Rafashadaas ayaa soo gaadhay sannadkii 1972 kolkaas oo awood millateri lagu fuliyay qaadashada farta aynnu maanta adeegsanno ee hirgashay.

 

Buugga iyo daabacaadda

 

Magaca buug oo af soomaaliga ka soo galay ingiriisigabook asalkiisu waa eray ka soo jeeda afafka la isku yidhaahdo germaani, macnihisuna waa jaad geedaha ka mid ah oo caleemo balballaadhan. Waxaa loo badinayaa sababta magacu geedkaa uga yimid in ay tahay iyada oo laga qori jiray looxaan xalleefyo ah oo geedkaa laga soo qori jiray dabadeed wax lagu dhigi jiray oo la isku rasayn jiray. Halkaa waxaa inooga muuqda wax u eg looxaanta aynnu Quraanka ku baranno laakiin ka sii yara xalleefsan.

Sidii aynnu soo aragnay, bilawgii aadamigu waxa uu qoraalka u adeegsaday dhoobo iyada oo qoyan wax lagu qoray dabadeed la engejiyay. Faraacinadii Masar waxa ay kale oo adeegsan jireen jaad cawska ka mid ah oo la daliigay. Waxaa kale oo wax lagu qori jiray loox, jidhif, saan, laf, iyo dhagax. Waxaa la og yahay intii Rasuulku noolaa (scw) Quraanka Kariimka ah in lagu qoray waxyaalahaa kor ku xusan badankooda.

Haddaba kumannaan sano ayay qaadatay in la hindiso warqadda oo noqotay waxa ugu habboon ee qorista loo adeegsado. Marka ay noqoto bilawgii soo bixidda buugga, waxaa la sheegaa nin Jabbaan u dhashay oo la odhan jiray Sun Tzu kaas oo buug ka qoray culuunta dagaalka. Waa buug dhaxalgalay oo cinwaankiisu ahaa Fanka dagaalka. Qarniyadii 400-300 C.h waxaa iyaguna dhulka Shiinaha falsafad diineed ku qoray laba nin oo ka la ahaa Konfucius iyo Lao Zi. Nin Giriig ahaa oo la odhan jiray Platon waxa uu isaguna qoray fikradihii macallinkiisa weynaa ee Sokrates la odhan jiray. Dabadeed isagana ardaygiisii Aristoteles ayaa fikradahaa sii horumariyay oo u rogay aqoon qaabaysan oo leh hannaan iyo manhaj.

Haddaba qarnigii 500-aad ayay bilaabatay in la sameeyo wax lagu sheegi karo ”buug” oo ka kooban bogag qoron oo isku xidhan. Kii ugu horreeyay ee muslinku waxa uu ahaa kitaabka Quraanka Kariimka ah. Khaliifkii kowaad Abuu Bakar ayaa amar ku bixiyay in Quraanka meel la isugu geeyo, hawshaasina waxa ay dhammaatay xilligii Cumar bin Khaddaab. Guddigii arrinta loo xilsaaray kolkii ay ururinta iyo qorista Quraanka abyeen, waxa ay ka doodeen magacii loo bixin lahaa. Dhawr hindise oo la isla soo qaaday ugu dambayn waxaa laga doortay in loo bixiyo Musxaf oo ahaa magac ay Xabashidu u yaqaanneen Injiilkooda. Afar nuqul ayaa dabadeed Musxafkaa laga dhigay oo loo ka la qaybiyay afartii gobol ee kolkaa muslinku haysteen xilligii Cismaan bin Cafaan.

Ilaa halkaa waxa la qorayo, kitaab ama wax kaleba ha lagu sheegee, waxaa lagu qorayay gacanta, haddii la doono in nuqullo kale laga dheegana mar kale ayaa gacanta loogu qori jiray. Muslinku waxa ay bilaabeen xeelad buugga lagu badin karo, taas oo ah qoraagu in uu buuggiisa rag badan isku mar u yeedhiyo oo ay nuqullo badan isku mar ka dheegaan. Haddaba sanadihii 760-nadii dalka Jabbaan waxaa ka bilaabatay farsamo wax lagu daabaco oo qoraalka asalka ah daabacaad u minguuriyay. Inta looxaan xuruufta lagu qoro ayaa dusha khad lagaga dhammuuqaa, dabadeed maryaha iyo wixii kale ee la doono lagu rogaa, halkaas oo ay wixii looxaanta ku qornaa ku sawirmaan. Farsamadaa reer jabbaan iyagu ma ay keenin ee sida la sheegay waxa ay kaga daydeen Shiinaha oo ay ka soo jirtay ilaa horraantii qarnigii 300. Isla dalka Shiinaha ayaa lagu daabacay buuggii ugu horreeyay dunida ee madbacadi soo saarto sannadkii 868, taas oo lagu hirgeliyay farsamadii aynnu kor ku xusnay. Isla dalkaa Shiinaha ayaa warqadda aynnu maanta naqaan lagu abuuray.

Adeegsiga warqadda, oo sida la og yahay aad u habboon dunidana aad uga hirgashay, waxaa la yidhi farsamaynteeda iyo wax ku qoristeedu muddo ayay Shiinaha u ahayd sir dawladeed oo la ilaaliyo. Dabadeed, sida la sheegay, niman farsamadaa yaqaannay ayaa maxaabbiis ahaan muslinka u gacangalay qarnigii 700-aad. Nimankiina waxa ay isku furteen in ay sirta warqadda muslinka u gudbiyaan.

Qarniyo kale oo badan ayay qaadatay in la gaadho ”Kacaankii Madbacadda”, taas oo suurtagelisay qoraalka intii la doono in la badin karo. Nin la odhan jiray Johannes Gutenberg oo Jarmalka u dhashay ayaa sannadkii 1454 sameeyay farsamadaas oo ilaa maanta la adeegsado. Maalintaas ayay bilaabatay in buuggu aad u faafo oo qof waliba qiimi jaban ku helo halkii awel dad aad u koobani heli jireen. Baybalka Masiixiga ayaa ugu horreeyay buug isaga oo badan ka soo baxa madbacadda Johannes Gutenberg. Maantana wax daabicidda waxaa qayb weyn ka ah farsamada la yidhaahdo digitaal oo ku shaqaysa kumbiyuutarka, taas oo tii hore ka hawl yar kana tayo wacan.

Haddaba sidii ay dunida ugu faaftay adeegsiga qalabkan cusub ee kumbiyuutarka la yidhaahdo, iyo waxa uu wato ee internet ah, qalabkaas oo wax allaalle wixii buug ama wargeys lagu qori jiray laga akhrisan karo, waxaa furantay iswayddiina ah: qoraalka warqadda ee buug iyo wargeys ahi ma waari doonaa? Dad badani taa rajo la’aan ayay ka muujiyeen, ha ahaatee khoborada arrinta danaysa badankoodu waxa ay ku hanweyn yihiin buugga warqadda ah in aan beddel kale oo dili kalaa jirin. Waayo, ayay lee yihiin, qofka iyo naftiisu weligood ku nefisi maayaan akhriska qalabkan ka samaysan waayirrada, caagga, birta, quraaradda iyo walxaha kale ee farsamaysan kuna shaqaynaya korantada. Qofku si uu akhriska ugu istareexo waxa uu u baahan yahay buugga oo ah wax dabiici ah oo gacanta iyo dareenka nafta ku habboon. Buuggu waa waxa ugu adeegsi fudud kolka ay tahay akhriska, qaadashada iyo haysashada intaba.