Hargeysa-(Berberanews)-Guddida heer qaran ee la dagaalanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS ayaa shalay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISmaaciil (Saylici) uga xog warramay heerka uu dalka ka marayo xanuunkaasi iyo sida ay qaran ahaan ugu dadaalaan faafitaankiisa.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Komishanka la dagaalanka Cudurka AIDS-ka oo ay weheliyaan guddida heer qaran ee xakamaynta Cudurkaasi iyo Weliba Masuuliyiin ka socotay Hay’ada UNDP waxa ka soo qayb galay Wasiirrada Caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timocad) iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed. Guddidan oo Sanadkiiba laba jeer Kulan la yeesha Madaxweynaha Somaliland isla markaana uga xog warrama halka uu cudurkaasi marayo, waxaa wejigiisii koowaad ee sanadkan 2013-ka Furitaankii Kulankaas hadal ka jeediyey Xoghayaha Fulinta ee SOLNAC Dr. Maxamed Daahir Kheyre, waxaanu yidhi, “HIV/AIDS waa xanuun qarsoon oo haddana dadka ku fidaya, markii ugu horeysay ee la ogaado inuu dalka ka jirana waxa ay ahayd sanadkii 1992-kii oo qofkii ugu horeeyey ee laga baadhayee laga helayna waxa uu ahaa nin Mujaahid ah alla ha u naxariistee hadda wuu dhintee. Cusbitaalkii bisha cas ee ku yaallay magaaladda Berbera ayaanu ahaa halkii lagu ogaaday, oo qolada haysatay maamulka waqtigaasi waxa ay haysteen qalabka wax lagu baadho dabadeed Inankii shaybaadhka ayaa anigoo ka mid ahaa guddi caafimaad oo markaa xog ururin ka wadday cusbitaalku waxa aan ku idhi, dadka laguu soo gudbiyey ee laga baadhayo xanuunnada galmada lagu kala qaado waxa kale oo aad ka baadhaa cudur la yidhaa HIV, kadib ninkaa (Mujaahidka) loo soo gudbiyey oo markii horeba qabay xanuunnada galmada ayaa la baadhay oo laga helay HIV”, sidaa ayuu yidhi Xog hayaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS Dr. Maxamed Daahir Kheyre, waxaanu intaa ku daray “Markaa waqtigaas waan la dagaalannay xanuunkaas, guud ahaanna inagga qaabka uu innagu soo galaa ee la isugu gudbiyaa waa galmada midda xalaasha ah iyo midda kaleba, Mida xalaasha ah waxaan uga jeedaa qofka xaaska lihi haddiii uu qabo xanuunkaa ama uu yahay nin dirawal ah oo Itoobiya galmo kasoo sameeyey haddii uu ooriddiisa xalaasha ahayd qaadsiiyey sidaas ayuu xanuunku ku fidayaa”.
Dr. Maxamed Daahir Kheyre, Xoghayaha fulinta ee SOLNAC, waxaa uu Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddida kale ee Kulanka goob joogga ka ahaydba Shax ahaan u tusay sida uu sanadba sanadka ka dembeeya ugu sii faafayo dalka xanuunka AIDS-ku, isaga oo tusaale u soo qaatay sanadkii 1999-kii, 2004-dii iyo 2007-dii oo Komishanka SOLNAC, Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO ay si wada jir ah Xog ururin ay sameeyeen ku ogaadeen korodhka AIDS-ka ee bulshada, “ annagu waxaanu xoogga saarnay oo aanu baadhitaano ka bilownay xarumaha hooyadda iyo dhallaanka (MCH) oo dumarka uurka leh ayaanu xataa ka baadhnay, Gabadha uurka lihi ee la qabo waa qofka ugu fog ee looga shakiyo inuu qaado xanuunka, annaguna aad baanu isugu taxallujinay” ayuu raaciyey hadalkiisa Dr. Kheyre, waxaanu xog warrankiisa ku ladhay in Tusaale ahaan sanadkii 1999-kii uu cudurka faafitaankiisu ahaa 0.1%, halka uu markii dembe gaadhay illaa 1.3%, iyadoo qaabka ugu badan ee uu ku faafay tahay galmada labada qof sameeyaan.