Guddoomiyaha Guurtidu Somaliland oo ka hadlay aragtidiisa in la furo dastuurka

Berbera(Berberanews)Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in cidkasta oo danta Somaliland ku jirto ay haboon tahay in lala hadlo, wuxuuna ku dooday in ka qaybgalka Shirka ay dawlada Britain wado ee arrimaha Somalia laga qaybagalo haddii ay ku jirto dani, isla markaana aanay cidna ku khasbi karin wixii ka hor imanaya qaranimada Somaliland.

Saleebaan gaal
Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa in la furo dastuurka Somaliland, isagoo tilmaamay in Dastuurku aanu ahayn Kitaabka quraanka ee aan waxba laga bedeli karin, balse loo sameeyay dan markii la doonana  wax laga bedelo karo.
Gudoomiye Saleebaan oo safar caafimaad ugu maqnaa dalka Britain, waxa uu  sidaa ku sheegay markii uu maanta dalka ku soo guryo noqday, isagoo hadal kooban warbaahinta ku siiyay madaarka magaalada Berbera, wuxuuna isagoo ka hadlaya aragtidiisa dhirka Soomaalida ee ay wado dawlada Britain ee la filayo in la qabto bisha May ee sandadkan yidhi, “Anigu waxaan qabaa in shirka Ingiriiska laga qayb galo iyo kuwa kale ee dani inoogu jirto, cida laga caqli roon yahay haddii iyagu ina khiyaamaynayaan dee waa inaynu iska aragnaa wixii inoo dan ah ayuun baa meesha yaala wixii aan inoo dan ahayn waa maya, jinkana waanu la hadlaynaa haddii dani ku jirto,”ayuu yidhi Guddoomiyaha  Guurtidu. 
Sidoo kale Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko in Dastuurka Somaliland in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo, taas oo Madaxweyne Siilaanyo dhowaan soo jeediyay, waxa uu yidhi,  “Dastuurka markii loo baahdaba waa la furayaa, maaha kitaabka quraanka. dan baynu u samaysanay haddii aynu garan weyno waynu bedalaynaa.”
Guddoomiye Saleebaan mudo dhawr bilood ah kaga maqnaa dalka arrimo caafimaad,  waxa ku soo dhaweeyay madaarka Berbera Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland iyo dadweyne kale.