“Ballan aanu xaggan (Imaaraadka) ku lahayn Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto..”Wasiir M Cabdillaahi

Dubia-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa beeniyay warar ku-tiri ku-teena oo laysla dhexmarayay in Madaxweyne Silaanyo kulan kula yeelanayo Qadar Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Dr. Cabdillaahi ayaa waxba kama jiraan ku tilmmaamay shirka labada madaxweyne, waxaannu xusay inay safarkoodii soo dhammaysteen oo ay si dhakhso ah ugu laaban doonaan Somaliland, “Sidaan hore u sheegay waxaanu halkan u nimid inaanu ka hadalno arrimo u badan xagga horumarka, sida dhaqaalaha, caafimaadka, Tacliinta iyo xagga wadooyinkaba. Ballan aanu xaggan (Imaaraadka) ku lahayn Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto. Shir labada madaxweyne ay dalkan ku balansanaayeena ma jro. Markaa wararka sheegaya inaanu Imaaraadka u nimid inaanu is aragno Madaxweynaha Soomaaliya waa warar aan jirin oo aan sal lahayn,”Sidaa waxa BBC-da u sheegay  Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirku oo wax laga weydiiyay suurtagalnimmada kulan ku dhexmara Imaadaaraadka labada Madaxweyne marka Xasan Sheekh ka soo laabto Qadar, ayaa kaga jawaabay oo yidhi“Booqashadii rasmiga ahayd ee aanu Imaaraadka u nimi way noo dhammaatay. Madaxdii ugu saraysay dalkana waanu kulanay si wanaagsanna way noo soo dhaweeyeen. Muraadkii aanu socdaalkan ka lahayna waanu ka dhamaysanay Berina waxaanu ku noqonaynaa Somaliland isagoo aan madaxweynaha Soomaaliya aan imanba.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo la weydiiyay halka ay ku dambeeyeen wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Wada hadaladii loogu baaqay inay dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya hore ayay u bilaabmeen dawladii Sh. Shariif madaxda ka ahaa, intii dawladan cusubi ay jirtay nasiib darro wali may suurto-gelin.Waayo dawlada cusub ee Soomaaliya waxay ku mashquulsanayd arrimo badan oo xasaasi ah oo iyaga u gaar ah nabad-gelyadu u badan tahay.”
Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Somaliland markasta diyaar u tahay wadahadal dhexmara Somalia.
Berberanews.com
info@berberanews.com