Dawladda Itoobiya oo shaacisay inay Ciidammadeeda kala baxayso dalka Soomaaliya, eedayna u jeedisay AMISOM

Addis Ababa(Berberanews):- Dawladda Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay Ciidammadeeda ka jooga dalka Soomaaliya kala soo bixi doonto, kuna soo celin doonto Xuduudaha waddanka Itoobiya la leeyahay Soomaaliya.Hailemariam-Desalegn-300x198

Raysal-wasaaraha dawladda Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa maanta mar uu Baarlamaanka dalka Itoobiya oo uu hor-tagay hadal u jeediyey, waxa uu sheegay inay dawladdiisu guud ahaanba Ciidammada ka jooga gudaha Soomaaliya ay ka soo baxayaan, isla markaana ay ku soo noqon doonaan xuduudka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeya iyo gudaha dalkooda Itoobiya.

Raysal-wasaare Hailemariam, waxa uu saluug ka muujiyay dawladda Federaalka ah ee dalka Soomaaliya ka talisa hadda iyo hawl-gallada ay Soomaaliya ka wadaan Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM oo uu sheegay inay ku fashilmeen ammaanka dhulka ay joogaan Ciidammada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

“Waxay ku qaadatay [AMISOM iyo Dawlada Soomaaliya] muddo sannad ah inay nagala wareegayaan ammaanka, bil kastana way ku soo celceliyaan. Laakiin, way ku guul-darraysteen inay ammaanka la wareegaan. Sidaas darteed, annagu waannu kala soo baxaynaa Ciidammadayada.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Hailemariam Desalegn sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Arrinta ugu weyni hadda waxay tahay sidii aan si buuxda Ciidammadayada ugala soo bixi lahayn, una iman lahayn soohdinta. Waana taas midda aan hadda fulineynaa.”

Inkasta oo ay Ciidammada dawladda ka mid ahaayeen Ciidammada dawladda Soomaaliya ka caawinayey la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab, haddana waxa uu Raysal-wasaaraha Itoobiya sheegay inaanay Ciidammadiisu ka mid ahayn kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya, sidaa daraaddeedna ay si dhaqso ah Ciidammada Itoobiya uga bixi doonaan Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.