Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay siday uga hawlgalayaan xuska 18 May iyo qaabka dadweynuhu ula xidhiidhi karo

Hargeysa(Berberanews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgelyada dalka maalinta Sabtida ee loo dabbaal-degayo sannad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland.

Taliyuhu waxa uu soo bandhigay lambarrada Telefoono dadweynuhu Booliska kala soo xidhiidhi doonaan haddii ay arkaan wax cabsi ah oo la xidhiidha dhinaca ammaanka. Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu gelinkii dambe ee maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu halkaasi ka akhriyay War-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“Sidaad la socotaan waxa foodda innagu soo haysa sannad-guuradii 22aad ee Qaranimada JSL oo ku beegan maalinta Sabtida ee 18 May 2013. 1. Marka hore waxaan idin la socodsiinayaa in nabadgelyada guud ee dalku wanaagsan tahay.

2. Waxaan idiin sheegayaa maaddaama oo lagu jiro dabbaal-degga 18 May in Ciidanka Booliska Somaliland dhammaan gobollada dalka uu heegan buuxa ku jiro (Full Alert) iyagoo kaashanaya Hay’adaha Amniga ee wada-shaqayntu ka dhaxayso iyo dhammaan Ciidammada kala duwan ee qalabka sida. Waxaanan idin la socodsiinayaa in dadweynaha Reer Somaliland oo gacan weyn oo buuxda ka siiya Ciidanka Booliska ilaalinta nabadgelyada wax kasta oo dareen ka galena soo gaadhsiiya Ciidanka Booliska, waxaan halkan uga soo jeedinayaa mahad ballaadhan. Waxaanan ka codsanayaa inay sii laban-laabaan maaddaama oo lagu Xuska jiro 18-ka May.

Waxa kale oo aan dadweynaha Reer Somaliland la socodsiinayaa in goobaha ay Ciidammada Qalabka sida ka dhaqaaqi doonaan iyo Ururrada Bulshadu ay tusi doonaan Ciidanka Nabadgelyada ilaalinaya goobaha loogu talo-galay inay dadweynuhu ka daawadaan.

Waxa kale oo jira shaashado waddooyinka dhinacooda ku yaalla oo si toos ah looga daawan doono. Waxaan Bulshada Reer Somaliland si mug leh uga codsanaynaa inay baraha loo cayimay ay ku ekaadaan.

Waxa kale oo la xaddidi doonaa dhaqdhaqaaqa Gaadiidka dhammaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland inta dabbaal-deggu socdo. Taas oo Ciidanka Boolisku uga dan leeyahay adkaynta Nabadgelyada, waxaana Ciidanka Boolisku diyaariyay Tilifoonno Landline ah oo lagala soo xidhiidhi doono oo Online ah (heegan ah ama si toosa hawada ugu jiri doona), kuwaas oo kala ah:

Shirkadda Telesom

520175

520257

Shirkadda Somtel

7923169

7923170

Telephone-nadaas oo dadweynuhu wax kasta oo ay la kulmkaan la soo socodsiin doonaan.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.