New York(Berberanews):- Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadday in tirada Carruurta ku dhimata, ama ku naafowda, dagaallada Soomaaliya, isla markaana lagula kaco tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqdooda ay kala badh hoos u dhacday afartii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2013.
Qaramada Midoobay waxay la xidhiidhiyeen hoos u dhacan inay sabab u tahay dagaallada fool-ka-foolka ah oo yaraaday. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon oo warbixin u gudbinayay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay inay xaqijiyeen tacaddiyo ka dhan ah carruurta oo gaadhaya 525 intii u dhexeysay bilihii Jannaayo iyo Maarso ee sanadkan.
Tiradan ayaa aad uga yar tacaddiyada loo geystay carruurta sannadkii la soo dhaafay oo tiradaasi ay ahayd 1288. Saddex meelood laba meel oo ka mid ah tacaddiyada ka dhanka ah carruurta waxaa geystay kooxda Al-Shabaab oo gacan saar la leh kooxda Al-Qaacida , iyadoo tacaddiyada intooda kale ay geysteen ciidammada xoogga dalka ee Soomaaliya.
Ban Ki_Moon ayaa warbixiinta ku sheegay in hoos u dhaca uu ku yimid tirada dhaawaca carruurta iyo diiwangelinta oo ay yaraadeen maaddaama oo dagaallada fool-ka-foolka ah ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo cidammada ay aad u yaraadeen, balse waxaa uu sheegay in dhacdooyinka afduubka ay gadheen heer aad looga welwelo.
Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in 37 carruur ah la dilay, 63 ay nafoobeen , 219 in lo diiwangeliyay in ay ka qayb qaataan dagaallada, 19-na lagula kacay xadgudub galmo ah, 205 in la afduubay iyadoo sidoo kale toddoba weerar lagu qaaday iskoollada iyo weerar lagu qaaday isbitaal.
Warbixinta ayaa waxaa sido kale lagu sheegay in cidammada dawladda ay ku gudo jiraan in ay ku wareejiyaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan carruurta ee UNICEF 41 carruur ah. Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay kala shaqeyneyso dawladda Soomaaliya sidi loo joojin lahaa carruurta la qoro in ay ka qayb qaataan dagaallada, in la dilo ama ay naafoobaan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.