Madaafiic Lagu Garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo Kala Yaacii Masuuliyiinta

Muqdisho(Berberanews)Xarunta  Madaxtooyada ee dalka Soomaaliya ayaa xalay lagu garaacay madaafiic  aad u xoogan oo kala eryay masuuliyiintii  xarunta Madaxtooyada ku sugnaa oo u badnaa wasiiro ka tirsn xukuumadda Soomaaliya.alshabaab

Xiliga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu  weerarayay madaafiicda  ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo u badnaa Wasiirro,iyadoo mar kaliya laga wada yaacay goobihii madaxtooyada ee ay masuuliyiintu  ku sugnaayeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan Maamula Ciiddanka Dowladda Soomaalyia iyo kuwa AMISOM,iyadoo aanay  jirin Degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho oo ay Shabaab joogaan,marka laga reebo rag ka tirsan Shabaab oo Magaalada si dhuumaaleysi ah ku jooga,

Weerarka madaafiicda ayaa wararku waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe Madaxtooyada Soomaaliya lagu qaaday,inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

 Masuuliyiinta madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa ciidamada ilaalada madaxtooyada aan wali ka hadal weerarka xalay lagu qaaday,mana jirto wax war ah oo dhanka Al-Shabaab ka soo baxay oo ay u sheeganayaan in ay masuuliyadda weerarkaa leeyihiin.