Tahriibaha maanta waa Qurba-jooga Berito ee Xilalka Tirsan Doona.WQ, Nagiib Muuse

Hargeysa-(Berberanews)-Waxaan sidaa u leeyahay, waxaynu wada ogsoonahay inay hasytaan mansabyada ugu sarreeya dawladan uu madaxweynaha u yahay Siilaanyo oo ahayd xisbiga Kulmiye, wuxuu xilalka ku taxay oo ku bilaabay qurbe-joog aan la socon marxalada uu dalku maraayo, kuwaasoo ka soo shaqo tegay meelihii loo shaqo tegi jiray.

Xaqiiqdu waxay tahay inuu Madaxweynuhu il kalgacal ku eego dadka qurbo-jooga oo aad moodo inay abaal u galeen wakhtigii ololaha Kulmiye. Waxaan leeyahay Madaxweyne kamaad waayin dalka u qalma inay madax ka noqdaan, waayo dawladihii kaa horreeyay laguma arag wadada aad jeexday ee Guul-aroorka ah.
Waxaa taa ka daran oo dadka iyo anigaba maskaxdayada mashquuliyay halka aad ku ilowday dadkii ku doortay ee dalka gudihiisa joogay, waayo qurbe-joog kuumuu codayn.
Waxay taasi u caddaynaysaa shacbigii ku soo doortay inaad u dabaaljoogtaysay oo aad ka baydhay ballanqaadyadii ololaha ee aad ku beer laxawsanaysay.
Haddaan, in yar ka xusuusto khudbadahaagii xilligii mucaaridka aad ahayd waxaad odhan jirtay “Anigu ma ihi nin maal iyo lacag doonaya ee waxaan doonayaa inaan taariikh ka tago” waanay dhici weyday taasi oo waxay noqotay boob, dhac iyo urursi adduun.

Waxaa maqaalkan igu kelifay maalin dhawayd oo aad Madaxweyne aad ugu baaqaday inaanay dhallinyaradu tahriibin oo ay dalkooda aaminaan, waxaan u arkaa hadal meel waayay oo markaasuun kugu soo dhacay, waayo horaad wax uga qaban lahayd dhallinyarada tahriibaysa.
Waxaan maqaalkayga ku soo gunaanadayaa “Tahriibaha maantu waa qurbe jooga berri ee xilalka qaban doona.”

Qorre: Nagiib Muuse
Hargeysa, Somaliland