Xukuumadda Oo Markii Ugu Horraysay Ku Dhawaaqday In Ay Kala Xadaynayso Ganacsiga Somaliland

Hargeysa (Berberanews): -Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ku dhawaaqday in ay kala xadaynayso ganacsiga Somaliland isla markaana ay qaadayso tallaabo ku haboon cid kasta oo ka hor timaadda in ay u hogaansanto xeerka kala xadaynta ganacsiga Somaliland.

Wasiirka Ku Xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah  Bashiir Cabdi Xariir oo warbaahinta la hadlayay ayaa xusay in ay talaabo culus ka qaadi doonaan ciddii ku xad gudubtay.

1.In dhaqangelin lagu sameeyo sharciga kala xadaynta ganacsiga kaas oo u qaybinaya ganacsatada afar qaybood oo kala ah:

Soo dejiye, Dhoofiye, Jumladle iyo Tafaariiqle

2.Wasaaradda Ganacsigu waxa ay samayn doontaa xadka lagu kala saarayo jumladlaha iyo tafaariiqlaha

3. Wasaaradda Ganacsigu waxay samayn doontaa xog ururin la xidhiidha dhibaatooyinka ka dhasha kala xadayn la,aanta ganacsiga isla markaana ay u soo bandhigto shacabka iyo dawladdaba.

4. In ganacsatada la siiyo muddo ku filan inay qaataan liisamada ku habboon ganacsigooda, mudadaas ka dibna aan la aqbali doonin ganacsade bilaa liisan ah, iyadoo ganacsade waliba uu liisanka ka qaadan karo gobolka uu joogo.

5. Sharcigani waxa uu dhigayaa in ganacsadaha qaata liisanka soo dejintu aanu iibin Karin jumladda, ganacsadaha kale ee qaata liisanka jumladuna aanu iibin Karin tafaariiqda.

6. Wasaaraddu waxay kormeer joogto ah ku samayn doontaa dhaqdhaqaaqa ganacsatada si loo hubiyo habsami u socodka kala xadaynta ganacsiga.

7. Ganacsadaha ka baxa waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharci ah sida digniin la siin doono, ganaax lacageed iyo in lagala noqdo liisanka ganacsi.

Wasaaradu waxa ay kormeero joogtayn ah ku samayn doonaan ganacsatadda si loo hubiyo waxa ka hir galaya sharcigan cusub.

Berberanews

Hargeysa Soaliland