Nin Lagu Eedeeyey Inuu Caawiyay Budhcad-Badeed Afduubatay Lammaane Ingiriis Ah Oo Dil Lagu Xukumay

Nairobi(Berberanews):- Maxkamada Magaalada Lamu ee dalka Kenya ayaa maanta Dil ku Xukuntay Ali Babitu Kololo oo ah Nin Muslim ah oo ka shaqaynayay Huteelka laga afduubtay Haweenay waddanka Ingiriiska u dhalatay oo lagu magacaabo Judith Tebbutt oo Ninkeediina weerarkii lagu afduubay lagu dilay.

(Byline/Copyright: Miller & Maclean) Ali Babitu Kololo in court in Lamu on 29 July. He was convicted of helping kidnap British tourist Judith Tebbutt in September 2011.

Ali Babitu Kololo ayaa lagu eedeeyay innuu la Shaqeeyay Kooxihii Burcad-badeeda Soomaalida ahaa ee Lamu ka afduubtay Judith Tebbutt oo ah Haweenay British ah.

Judith Tebbutt ayaa Afduub loogu haystay dalka Soomaaliya 6-bilood waxaana Weerarkii lagu afduubayay ku geeryooday Ninkeedii David Tebbutt oo isku dayayay innuu badbaadiyo.

Ali Babitu Kololo ayaa Maxkamaddu ku xukuntay dil, balse waxaa loogu beddelayaa Xabsi daa’in maaddaama Kenya ay joojisay fulinta xukunnada dilka ah sida la sheegay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.