Madaxweynaha Somaliland oo si Yasid ah ugu jawaabay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hadal toddobaadkan ka soo yeedhay Madaxweynaha maamuul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, waxaanu Md. Siilaanyo sheegay arrimaha uu ka hadlay Faroole inaanay ahayn kuwo isa wax ka khuseeyaan.

MDsiilaanyo1Faroole

Madaxweyne Faroole ayaa khudbad uu ka jeediyay sannad-guuradii 15-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Maamul-goboleedka Puntland waxa uu ku sheegay in Somaliland iyo Dawladda Federaalku wadahadli karin Puntland la’aanteed sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu Madaxwaynaha Puntland sheegay in Somaliland ay ka waantowdo doonista aqoonsi ay caalamka ka hesho, isagoo sheegay inay Somaliland tahay deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Hadalka Madaxwaynaha maamul-goboleedka Puntland ka soo yeedhay, waxa jawaab adag ka bixiyay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay in aan go’aanka Somaliland waxba laga weydiinaynin Cabdiraxmaan Faroole, waxaanu intaa ku daray inay sii wadayaan Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalkooda, taasina aanay ahayn wax u yaalla Cabdiraxmaan Faroole iyo Maamul-goboleedkiisa toona.

“Runtii waxay ila tahay Cabdiraxmaan Faroole Ninkaa Madaxda u ah Qoladaa Puntland in wax iskaga khaldan yahiin, maxaa yeelay waxa uu u hadlay sidii Nin Aqoonsiga Somaliland gacantiisa uu ku jiro waxaan u sheegaynaa Ninkaa Odayga ah annagu jawaabta ku habboon bixin mayno ee deegaankiisa ha u taliyo.” Sidaa ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo ku yidhi qoraal uu xalay ku baahiyey Barta uu Internet-ka ku leeyahay ee loo yaqaanno Twiter-ka.

Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo qoraalkiisa sii waday intaa ku daray oo uu yidhi; “Runtii Madaxwaynaha Puntland ma aha nin aan warkiisa miisaan u yeeli karno, waayo? Waxaa kaaga daliil ah inta hadal ee uu jeediyay waxa ay ahayeen kuwa daandaansi ah!. Muxuu uga hadli waayay deegaankiisa  ay mushkiladuhu hadheeyeen ee uu wax uga qaban waayay?.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.