Hay’adda Dhakhaatiirta Bilaa Xuduudka ah oo joojisay hawlihii ay ka wadday Cisbitaalka Burco ee Somaliland

Burco(Berberanews):-  Hay’adda Dhakhaatiirta caalamiga ah ee aan xuduudka lahayn ee MSF, ayaa maanta shaaca ka qaadday inay joojisay hawshii caafimaad ee ay ka wadday Cisbitaalka magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer ee dalka Somaliland.

1B07EA6B-589D-4F4A-ADD7-496D14654636_w268_r1_cx0_cy4_cw0Shaqadan maanta istaagtay ayey Hay’adda MSF ka wadday Cisbitaalka magaalada Burco sannado badan, waxaana caawo caafimaad ka heli jiray boqollaal qof oo reer Somaliland ah muddada ay hay’addu gacanta ku haysay hawlaha caafimaad ee Cisbitaalkaas.

Joojinta gargaarka Caafimaad ee ay Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF ka wadday Cisbitaalka Burco, ayaa qayb ka ah shaqa-joojin iyo ka bixitaanka guud ee dalka Soomaaliya oo ay hay’addu shaacisay inay bilawday.


Madaxa MSF Dr Unni Karunakara ayaa sheegey in weerarro lala beegsadey shaqaalaha hay’adda ay ugu wacan tahay in la soo xidho dhammaan Barnaamijyadii Caafimaad ee ay ka wadeen Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in kooxaha hubeysan ee weerarrada fuliya iyo hoggaamiyeyaasha Maxalliga ah oo u muuqda kuwo taageeraya, isla markaana ku dhiirrada weerarrada loo geysto hay’adaha gargaarka iyo shaqaalahooda ay sababtay inay soo gebo-gabeeyaan hawlaha gargaarka caafimaad ee ay dalkaas ka wadeen.

Muddo 22 sano ah ayay MSF ka hawlgaleysey Soomaaliya, waxaana tan iyo xilligaa hay’adda laga diley 16 shaqaale ah, iyadoo weerarro badanna lala beegsadey xarumaheeda iyo shaqaalaheeda ka hawlgalayey dalkaas oo ay ku sugnaayeen 22-kii sano ee u dambeeyey oo ah muddada colaaduhu ka socdeen Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la sii daayay laba Haween ah oo shaqaalaha MSF ka tirsanaa, kuwaaso afduub ahaan loo haystay muddo 21 bilood ah. Talaabadan ayaa laga yaabaa inay wiiqdo gargaarkii caafimaad ee ay Hay’addu u fidin jirtay dadka tabaaleysan ee reer Soomaaliya.

Shaqaalaha ka hawl-gala Cusbitaalka magaalada Burco ee ay MSF gacanta ku haysay oo uu Weriyaha BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar) wax ka weydiiyey saamaynta arrintan Hay’addu ku dhawaaqday ku keeni karto hawshii Cisbitaalkaas, ayaa sheegay inay Hay’addaasi meel aad u fiican soo gaadhsiisay tayada shaqo ee Cusbitaalkaas iyo u gargaaridda dadka dhibaatooyinka caafimaad u yimaadda, hase-yeeshee, aanay ku farxin tallaabada MSF qaadday, taasoo ay xuseen inay saamayn taban ku yeelan karto hawlihii ay ka caawin jirtay Cusbitaalka iyo guud ahaan shaqaalaha ka hawlgala ee ay gunnooyinka iyo mushahaarooyinka siin jirtay MSF.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.