”Sirta Nolosha Daawo Oo Doono Guusha” Weriye Abdirisaak Yousof Ali Terra

Si’aad u guulaysato nolol wacan ugu noolaato, Urugo iyo ciilna uga dheeraato, Cadawgaagu aanu kaaga guulaysan, Dadka oo dhami kuu jeclaadaan kuuna tixgeliyaan, wax kastoo dhibaato iyo belaayooyin ahna aad uga nabadgasho, waxaad dhamaysataa Akhriska iyo ku dhaqanka.

33333333333
29kan Qodob oo ah siriyan cidii Alle solonsiiyaana ay liibaanta Aduunyo iyo tan Aakhiroba ay Gaadhayso.
•Iskajir dunuubta, iyada weeye waxa keena Hammiga Iyo Qammigee,waana iyada waxa fura albaabada balaayooyinka.
•Haka xumaan hadalka iyo waxa xun ee lagaa sheegayo adiga waxba kuma yeeline, kan yidhi ayuu dhibayaaye.
•Ogow in kan ku caayey uu kuu hibeeyey wanaagyadiisii, danbiyadaadiina la maydhay, wuxuuna kaa dhigay mid caana, taasina waa Nimco.
•Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dhaganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada cibaadada, oo dhex dhexaad noqo, iskana jir inaad diinta isku adkayso “ al quluw fidiin “…………..
•Ufurfur wajigaaga dadka waxaad helaysaa dhawaan shahooda, hadalkana u dabci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu wayneeyaan….
•Noqo kii (tii) bilowda wanaaga, dadkana u tudha, damina cadaawada “ xumaanaha “ idinka dhaxaysa dadka, nabadgalina cadawgaa, badsana saaxiibka wanaagsan.
•Albaabada ugu wayn ee sacaadada waxaa kamida ducada waalidka ee badso wanaag ufalkooda iyo wanaajintooda, balaayooyinka halagaa awdee.
•Ufiirso kuwa kaa hooseeya xaga jidhka, suurada, maalka, guriga, shaqada iyo duriyada, si’aad u ogaatid inaad kumanyaal qof ka sarayso.
•Xaqiiqso in kuwa aad la dhaqmayso oodhan oo ay ka mid yihiin walaalkaa, ilmahaaga, ninkaaga, qaraabadaada, saaxiibadaa inayna ahayn ceebka saliim, hadaba naftaada bar sidii aad midkasta sidiisa ugu aqbali lahayd.
•Saacad naftaada la cidloow si’aad uga fikirto umuurahaaga, naftaadana u xisaabisid, aakhiradaadana uga fikirtid, aduunyadaadana u wanaajisid.
•Kayeel labiskaaga mid caadiya, mid aan ahayn kuwa aadka u koreeya ahayna kuwa aadka u hooseeya, naftaadana caan hakaga dhigin labis, ee ahoow sida dadka kale oodhan.

•Safar mar marka qaarkood, si aad u cusboonaysiiso noloshaada, una soo aragto dhaqamo kale, una soo aragto nolol iyo wadamo cusub, ilayn safarku waa dhadhan kalee.

•Kubilow dadka salaanta, dhoolo cadayna kusoo dhawee, ihtimaamna sii, si aad u noqoto mid qalbiyadoodu ay jeclaadaan una dhaw.

•Ku farax wax yaabaha danbiyada lagu dhaafo sida, acmaasha wanaagsan,dhibaatooyinka, towbada, ducada muslimiinta, raxamada Raxmaan iyo shafaacada Rasuulka ” Salallaahu calayhi wasalam ”

•Ku dadaal Sadaqada haba yaraatee. Sadaqadu waxay damisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risqigana way badisaa.

•Kayeel ku dayashadaada Iimaankaaga Muxammed ” Calayhi salaatu wasalaam ” ilayn waa hogaamiyihii sacaadada, kii ku tusayey guushee.

•Soo booqo Dhakhtarada si aad u ogaatid nimcada caafimaadka, soona booqo Jeelasha si aad u ogaato nimcada xoriyada, soona booqo Dhkhtarka dadka waal waalan si aad u ogaato nimcada caqliga, ilayn waxaad ku jirtaa nimcooyin aadan ogayn qiimahoodee.

•Hakaga farxin cadawgaaga cadhadaada iyo tiiraanyadaada, taasi waa waxay kaa sugayaane. Haku caawin guushooda wayn ee’ah inay arkaan noloshaada oo burburtay

•Ka dheeroow Cishqiga, Qaraamka iyo jacaylka aan xalaasha ahayn. Wuxuu sabab u noqdaa cadaabka ruuxda, cudurada qalbiga. Ucarar dhinaca Rabbigaa, xusitaankiisa iyo cibaadadiisana badi.

•Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka saciidka ahi waaka indhihiisa laabta Rabbigiina ka cabsaday.

•Ku dadaal nidaamka cuntadaada, ka cun inta faa’iidadadleh, iskana jir nafaqo darada, hana seexan adoo dharagsan.

•Ha cadhoon, hadaad cadhootana aamus oo shaydaanka iska naar meeshana badal, hadii aad fadhiday istaag hadii aad istaagsanaydna fadhiiso, soo wayso qaado oo badi dikriga Rabbigaa ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ”

•Wixii ku asiibay kumuu dhaafeen, wixii aan ku asiibinina kugumuuna dhaceen, qalimaanta wixii laguugu qorayna way qalaleen, xeeladna uma lihid qadarta inaad badasho.!

•Hadii uu cadhoodo mid kamida labada isqabaa ka kale ha aamuso, midkoodba midka kalen haku aqbalo siduu yahay ilayn majiro cid ceebka saliim’ahiye.

•La fadhiisiga ka wanaagsani wuxuu ku galinayaa yididiilo, wuxuuna kaa fududaynayaa dhibaatooyinka, wuxuuna kuu furayaa albaabka farajka. La fadhiisiga “ mutasha’im “ aduunyada oo dhan ayuu kuu madoobaynayaa.

•Cuntadu waa sacaadada maalin, safarkuna waa sacaadada usbuuc, guurkuna waa sacaadada bil, iimaankuna waa sacaadada cimrigoodhan.

•Noloshu waa fursad, mana ogaano fursadaas ilaa aynu wayno.

•Hadii aadan lahayn cid ku xaasida kjayr kuguma jiro, hadii aadan saaxiiblahayna dabeecad malihid, hadii aadan diinlahayna mabda’ malihid

•Aduunyada waxaa kuyaala jano, qofkii aan galina magalo janada aakhira, waana digkriga Ilaahay iyo daacadiisa, wehelkiisa iyo xiisihiisa.

Weriye C/risaaq Yusuf Cali Terra.
Email. Terra-10@hotmail.com