Dadweynaha reer Burco oo saami ku darsaday maalgashiga Shirkadda Kalluumaysiga Pontus Marine

Burco-(Berberanews)-Shirkadda Pontus Marine oo ka shaqayn Doonta ganacsiga kalluunka ayaa dadweynaha reer Burco u soo bandhigtay inay ka qaybgalaan saamigga maalgelinta shirkaddan oo lagu sheegay ay ku bixi doonto $5 Milyan oo dollar, taasoo ay masuulliyiinta shirkaddu tilmaameen inuu ka qaybgeli karo qof kasta oo reer Somaliland oo jooga dalka gudihiisa ama Dibadiisa joogo, saamiga ugu yarna waxa lagu sheegay in uu yahay $5oo dollar.

Kulan ballaadhan oo shirkaddu xakay ku qabatay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer gaar ahaana Hotel Barwaaqo, ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin Xukumada Somaliland ka tirsan iyo Aqoonyahano, dadweyne, Ganacsato, iyo Maamulka Shirkadaasi.

Kulankan ayaa markii hadalo ku saabsan Ujeedada shirkadan iyo Sidda loo maalgashano laga jeediyey, ayaa waxa is diwaan galiyey oo sheegay in ay doonayaan in saamiyo ku yeeshan 76Qof oo ka soo jeeda gobola Tog-dheer.
shirkadan oo ah nooca Saamileyda , taasi oo la sheegay

Maamulaha Guud ee Shirkadaasi Pontus Marine Axmed Abokor ayaa xusay in maalgalintani tahay mid macno weyn ugu fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in shaqo abuurna uga sameynayso in ka badan 400 oo qof.DSC_0027

Waxa kale oo uu u mahad celiyey dadka Reer Burco sidda quruxda Badan ee ay u doonayan in ay uga qaybqaatan Maalgashiga dalkooda, isaga oo Xusay in tirada dadka is diwaangaliyey ay rajo weyn ku abuurayso, waxaanu xusay in dadku waxa wada lahaadan ay tahay mid muhiim ah, iyadoo saamiga shirkadda ay ay isku diiwaangeliyeen 76 qof oo dadkii madasha ku sugnaa ka mid ah.

Axmed Abokor oo ka hadlaya shaqada shirkaddu qaban doonto, ayaa yidhi, “Shirkada Kaluunka Pontus Marine waa shirkad ka hawlgalidoonta Somaliland, lakiin ka diwaangashan dalka UK, lakiin waaxanu imika ku guddo jirnaa siddii Somaliland uga diwaan galin lahayn, shirkadana waxa ku bahoobay khubaro caalami ah kuwaasi oo khabiiro ku ah dhinaca dhaqaalaha, ka faa’ideysiga khayraadka badaha, Suuq geynta kaluunka, iyo xidhiidhada caalamiga ahba, waxa kale oo ka hawlgali doona dadweynaha Somaliland, waxa kale oo aynu doonaynaa in kaluunkeenu uu suuqyada caalamka kula baratano Kaluunka kale, shirkadana waxa Guddomiye Guud ka ah Mr.Heleri Beligam waa wasiirkii xidhiidhka Afrika ee hore UK, isaga guddomiye ka ah, ”Ayuu yidhi Axmed Abokor.DSC_0023

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Shirkadan kaluunka Waxa Xarumaheedu Noqon Doona Magaalooyinka Berbera iyo maydh, waxa kale oo ay shirkadu xafiisyo ka furanaysaa Magaalooyinka Hargeysa Berbera, burco, waxa kale oo hore Xarumo ugu lahayd UK Magaaloyin ka mid ah, iyo dalalka Maraykan iyo ustareeliya iyo carabta Shaqaalaha ka shaqayn Doona ugu yar waa 400 oo qof, runtii reer burcona ay ka qaybgalidoonan shaqaalahaasi, dhinaca saamilaydana waxa ka qayb gali kara qof kasta oo reer somaliland oo gudaha iyo dibadaba jooga lacagta ugu yar ee saamig ahan waa 500 oo dollar, halka qofka dibada joogana uu ugu yar tahay 1,000dollar, qof lacagta uu dhigtay macaashkeeda waxa uu halaya sanadka labbad ee uu lacagta dhigto, oo sanadka kowad ayaanu helan.”Ayuu yidhi.
Axmed Abokor waxa kale oo uu ka hadlay sharciyada kala duwan ee ay ku hawlgalayso shirakadu iyo sharaciyad au kala yaala qofka Saamilyed iyo shirkada waxaanu xusayn in sharci caalami ah uu u yaalo shirkada waxa lacag ah oo lumaysan anay jirin..

Dhanka kale waxa Iyaguna halkaasi ka hadlay Dadweynihii doooanayey in ay saamiyo ku yeeshan Shirkadda oo sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkadan cusub, waxayna sheegen in burco tahay meel jecel in dadku wax wada lahaado oo dadka reer Somaliland isku Xidhmaan.

Berberanews.com

info@berberanews.com