Idaacadda VOA Oo Waraysatay Nin Dalka Maraykanku Ku Raadinayo Malaayiin Doollar

Washington(Berberanews):- Idaacadda VOA ee dalka Maraykanka laanteeda afka Soomaaliga,ayaa waraysi la yeelatay nin ay Dawladda dalkaasi ku raadinayso Malaayiin Dollar oo ay ugu ballan qaaday ciddii war ka keenta halka uu ku sugan yahay,ninkan uu baadidoonka ugu jiri sidii lagu soo qaban lahaa dalka uu u dhashay ee Maraykanku oo ka mid ahaa saraakiisha ajaanibka ah ee ku biiray kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Cumar Xammaami oo muddo badan ku sugnaa dalka Soomaaliya isla markaana ka mid ahaa dadka  dibadda ka yimi eek u biiray kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya,ayay Dawladda dalka uu u dhashay ee Maraykanku ku baayacday madixiisa 5 milyan oo Dolar isla markaana lacag ugu ballan qaaday cid kasta oo xog ka soo gudbisa.

Cumar Xammaami oo gudaha dalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Abuu Mansuur Al-Ameriki ayaa idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga u sheegay inuu iskaga baxay kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab iyo urur waynaha Al-Qaacida oo uu hore uga wada tirsanaa.

Xammaami ayaa intaa ku daray inuu imika ku dhuumaalaysanayo deegaano ka mid ah goboladda Bay iyo Bakool,khatarna ugu jiro inay dilaan kooxda Al-Shabaab oo  khilaaf soo kala dhex galay sababay in la ugaadhsado.

Cumar Xammaami ayaa hore loo sheegay inuu ku dhintay dagaal ku dhex maray kooxaha AL-Shabaab  meel aan ka fogayn magaaladda Baar Dheere.

Berberanews.com

Hargeysa Somaliland.