Maareyaha haamaha shiidaalka Berbera oo beeniyay warar sheegayat in la burburiyay qalabka shiidaalka diyaaradaha lagu baadho

Berbera-(Berberanews)-Maareeyaha Haamaha keydka shiidaalka berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil ayaa  Caawa fiidkii Jawaab adag ka bixiyay war uu been abuur kutilmaamay oo lagu baahiyay qaar kamida Mareegaha Wararka laga daalacdo ee Internetka. Warkaas oo sheegaayay in ninka mida shaqaalaha haamaha shiidaalka berbera uu burburiyay qalabkii lagu baadhi jiray shiidaalka diyaaradaha ee loo yaqaano Jet Oil,

 Waxaanu maareyaha Haamaha shiidaalku warkaas ku sheegay mid been abuura oo aan Sal iyo raadtoona lahayn isaga oo  shaqsiyaadka warkaas faafiyayna kutilmaamay dad aan dalka  Lexejeclo ka laahayn oo ku shaqaysta wararka been abuurka ah sidoo kale waxa uu Mareyaha Haamaha Keydka shiidaalka berbera Maxamud Gahayr Ismaaciil soo bandhigay qalabka ay mareegahaasi qoreen in la burburiyay oo dhamaantii wada bed qaba oo shaqayna, qalabkaas oo lagu magacaabo(Digital Cuductivity) islamarkaana isugu jira afar nooc oo dhamaantooda kawada qeyb qaata baadhista shiidaalka ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Jet oil.Digital Cuductivity Di (2)

Maareyaha Haamaha shiidaalka berbera Maxamud Gahayr Ismaaciil oo xafiiskiisa kusoo bandhigay Qalabkaasi ayaa waxa uu ugu horeyn beeniyay warkaas sheegaya in qalabkaas la burburiyay isaga oo qalabkaas Warbaahinta usoo bandhigay faahfaahin dheeraadana ka bixiyay”Qalabka warka beenta ah laga sheegayo ee la leeyahay nin baa burburiyay waakan cid burburisay oo waxyeeshayna majirto Meel nin shaqaale ahi ka gaadhna ma yaalo oo xafiiskayga ayuu yaalaa oo marka shiidaalka diyaaradaha lagu cabirayana laga qaadaa oo Egneerka Haamuhu ka qaada, Markaa Horta Ninka Warkaas faafiyay iyo websitekiisu waa beenaalayaal waanan cambaaraynayaa. Ninka suxufiga ahi Marka uu war baahinayo waa in uu cid masuuliyada warkaasi leh la xidhiidhaa oo wax ka weydiiyaa oo ka xaqiijiyaa warka hadii kale waa nin aan warbaahinta waxba ka aqoon oo duda cararaya oo aan dalka iyo sumacdiisa toona utudhayn oo qaran dumisa waxan odhan lahaa cida warkaas qortay waa in ay ka waantawdaa baahinta wararka been abuurka ah qolada ururka suxufiyiintana waxan ugu baaqayaa in ay talaabo ka qaadaan nimanka wariyayaasha sheeganaya ee wararka aan jirin baahinaya,

 

Ugu danbeyntii waxa uu maareyaha haamaha shiidaalku uu sheegay in cid kasta oo warkaas been abuurka ah daalacatay ay arki karaan qalabkaas oo shaqayna albaabada haamuhuna ay ufuran yihiin Balse waxa uu si adag uga digay in aan wararka

 

Reporter by Mohamed  Abdillahi Soofadhiiste 

Berbera/Somaliland