Waxa xaflaada ka soo qayb galay isu-duwaha wasarada cafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Abdiyassin, Gudomiyaha Gobolka Togdheer Axmed X. Cabdilahi Xamarji, Aggasimaha Fulinta ee ururka nursinka iyo umulisooyinka Somaliland (SLNMA) iyo masuliyin ka socda xukumada, wax-garadka, aqoonyahanda iyo culimo aw diinka ka soo qayb galay munasibada xaflada qalin jebinta.
Waxana xaflada qalin jabinta ardaya oo sii heer sare loo soo aggasime ayaa waxa tirada guud ee ardayda dhamaystay madaadas ay ahayeen 31 Nurse ama kalkaaliyee cafimaad iyo 20 umilso bulsho (Community Midwife).
Ugu horeyn waxa munisaabada xaflada qalin jebinta ka hadlay gudomiyaha gobolka Togdheer Axmed x. Cabdilahi Xamarji oo uu mahad celiyee ururka umolisoyinka Somaliland iyo guud ahaan wasarada cafimaadka isagu tilmamaay inn ay bahi weyne mantaa loo qaabo kal-kaaliyaasha cafimaad gaar ahaan dhakhtarka weyne ee magalada Burco. “Waxa mantaa an mahaad naaq baladhaan ann usoo jeedinayaa ururka umilsooyinka cafimaad bahi weyne oo wad aragtan in dhakhtaarka weyne ee magalada Burco loo qaabo.”
Ugu dambayntii waxa iyaguna munisabada hadalo kooban ka jeediye isu-duwaha wasarada cafimaad Dr. Abdiyassin oo mahad naaq baladhan uu jeediye ardayda ka qalin jebisay kuliyadda culuunta cafimaad, waxa kalo isnaa munisibadda ka hadlay aggasimaha ururka umilsooyinka Somaliland oo duco iyo hambaalyo isugu jirta uu direy umilsooyinka ka qalin jebisay kuliyadaas.