Horumarka dhaqaale isaga oo ku hadoodilan arrimahaa kor ku xusan ee maamulka iyo maaraynta, waxaa dhala fikirka iyo dhaqanka, bulshooyinkuna isku dhaqan iyo isku hab-fikir ma aha. Dhaqanka iyo hab-fikirkuna abuur ma aha ee waa xaalad iyo caadooyin ka dhasha qolo walba waayaheeda iyo duruufaheeda nololeed. Tusaale ahaan raacatannimada iyo beeratannimadu waa laba hab oo dadku nolosha ku la soo baxo, ganacsiga iyo farsamaduna waa laba kale. Mid walibana dadkeeda waxa ay u yeeshaa hab-dhaqan gooni ah. Dabadeed sida loo nool yahay baa abuurta sida loo dhaqan yahay, sida loo dhaqan yahayna waxa ay sii abuurtaa sida loo fekero.
Taasi waa asalka, laba waxyaalood oo ku gudo jira ayaa se ka turjuma. Midi waa mid bulsheed oo ah aqoonta, maamul dawladeedka iyo dhaqanka shaqada dadkaasi caynka ay yihiin. Ta kalena waa mid juqraafi oo ah meesha, cimilada iyo khayraadka dalkaasi lee yahay. Qolada ay labadaa qodob isu raacaan fursadda horumarkeedu aad buu u weyn yahay. Tusaale ahaan reer Holland barwaaqadooda waxaa gundhig u ah ganacsi ka soo bilawday qarnigii 15-aad oo ay kaga faa?iidaysteen barta dalkoodu Yurub kaga dhaco oo u fududaysay in ay ganacsiga qaaradda maamulaan oo u ka la gudbiyaan. Tabtaas oo kale ayuu Talyaaniguna isla xilligaa dhaqaalaha weyn ku yeeshay.
Guud ahaan berigaa Yurub berigaa waxa ka hirgalay waxyaalo badan oo dhaqaalaha koriya. Arrimahaa waxaa ka mid ah wanaajinta iyo tayaynta nadaamka shaqada. Isla beryihii waxaa aad ugu dhex faaftay farsamaynta saacadda, saacadda oo dabadeed abuurtay dhaqan ah in waqtiga la qiimeeyo xilliyada shaqadana la ilaaliyo. Waxaa ka mid ah isgaadhsiin tiro iyo tayo leh oo sida maraakiib iyo tareenno badeecadda iyo dadkaba dhulal fogfog isaga gooshiya. Waxaa kale oo ka mid ah ilayska korantada oo suurtageliyay in waqti badan la shaqeeyo.
Tu kale oo dhaqaalahooda xoojisay waa iskaashi iyo loollankooda oo ay nabadeeyeen oo xeerar iyo nadaam ku dhiseen. Waxa ay samaysteen xeerar waxsoosaarka dhiirrigeliya isla markaa tartanka ka la haga. Fikradaha cusub iyo aqoonta isku ma gumaystaan ee markiiba waa ay ku dhex faafaan kana wada faa?iidaystaan. Haddii qolo waqtigu ku xumaado ku ma digtaan ee amaah iyo maalgashi laxaad leh bay siiyaan, waayo sidaas ayay xasilloonida iyo danta guud ugu jirtaa. Haddii dal hantida iyo shaqadu ku badato, dal kalena shaqo la?aantu ku badato, waa ay isu furan yihiin oo isu guuraan. Dhanka kalena weligood waxa ay isugu hiiliyaan bililiqaysiga khayraadka ummadaha kale, qabsashada dunida, iyo takooridda ama xayiridda ganacsi iyo waxsoosaar walba oo kooda la tartami kara. Waxaas oo dhan waxaa u suurtageliyay midaysnaanta wacyigooda ku aaddan danahooda wadajirka ah. Dabadeed kolkii ay liibaanta dhaqaale dhadhamiyeen waxa ay qaateen falsafad nololeed oo ah in qiimiga qofka lagu eego waxa uu haysto, waxa uu qabto iyo waxa uu soo saaro. Wax lahaanshaha ayay aad u jeclaadeen, shaqadana waxa ay ka dhigteen sida cibaado diineed.
Sababaha horumarka dhaqaalaha Yurub haddii ay kuwaa yihiin, innagu dal iyo qaaradba cagsigooda ayaynnu u nahay. Saacado aad u yar ayaynnu shaqaysannaa. Isma kaashanno loollankeennuna mid nabadeed ma aha ee waa colaad hubaysan. Musuqmaasuqa iyo eexda dawladeed waa inoo dhaqan aynnaan u lahayn sharci iyo akhlaaq innaga qabata, xilalka dawladeedna waa inoo fursad aynnu ku xoolaysanno.
Xasilloonida bulsheed waa qaybta ugu weyn dawlad-wanaagga iyo koritaanka dhaqaalaha. Afrika ilaa maalintii ay dawladowday waxa ay ku jirtay qalalaase, taas ayuu cadowgeeduna ku dulleeyay. Kelitalisyo dugaag ah oo garasho xun baa qaaradda ka adeegay, dabadeed kooxo hubaysan baa iswada rifay. Waxaa ugu sii darraa dalalka khayraadka laga gurto (sida Kongo-Kinshaasa) iyo dalalka istiraatijiga ah (sida Soomaaliya). Qalalaasaha siyaasadeed shaqada ayuu fadqalalleeyaa, dhaqaalaha ayuu fuuqsadaa, kaabayaasha ayuu dumiyaa, maalgashi dunida ayuu didiyaa, khayraadka dabiciiga ah ayuu baylihiyaa ama baajiyaa, amaaho shuruudo xun leh buu dalkaa saaraa, lacagta adag baa debedda u shubanta, aqoonta iyo xoogsatada ayaa dareera, sadoqo iyo sandareero quudheed baa bulshadaa hankeeda dila oo nafsiyad liidata geliya. Intaas oo hoog iyo kun hoog oo dhaqan iyo bulsheed buu qalalaasuhu keenaa.
Haddaba umadda qodobbadan soo socda ku mintidda ayaa guul iyo horumar leh: 1) In ay dadku aad u shaqeeyaan shaqadoodana tayeeyaan. 2) In ay dadku lee yihiin wacyi (baraarugsanaan) wadareed oo ku saabsan danta ka dhexaysa oo ay sida ugu adag u wada ilaashadaan. 3) In ay jirto xasillooni bulsheed iyo nabadgelyo buuxda oo dammanadqaadda dhawrsanaanta nolosha, karaamada, hantida iyo hawlaha qofka. 4) In ay jirto caddaalad iyo eexla?aan uu qof waliba kalsooni ku gurto midhaha dadaalkiisa wanaagsan. 5) In ay jirto dawladnimo hufan oo arrimahaa kor ku xusan ilaalisa habsamina u socodsiisa, lehna hay?ado ka la madaxbannaan iyo warbaahin xor.
Kampala/Uganda