Baadhayaasha Westgate Mall oo Kenya ku eedeeyay inay ka caga-jiidayso sidii ay ugu gacanelin lahayd Maydad ay sheegtay inay ku dishay weerarka

Kenya-(Berberanews)-Baadhayaasha ajaanibka ee Dowlada Kenya ka caawinayay baadhitaanka Weerarkii Westgate Mall todobaadkii hore lagu qaaday ayaa ku hanjabay in howshooda joojin doonaan, islamakaana ay gebi ahaanba dalka ka baxayaan hadii aan Kenya kusoo wareejin meydadka rag ay sheegeen in lagu dilay howlgalkii Westgate Mall.

Baadhayaasha ajaaniibta ah oo ka kala socda dalalka canada, Jarmalka ,Israel iyo Maraykanka ayaa Dowlada Kenya ka codsaday in ay Keento meydadka Shan Xubnood ay hore u sheegeen Ciidamada Kenya in ay dileen kuwaa ay ku sheegeen inuu ka mid ahaa ragii weerarka ka geestay.

Baadhayaashu waxa ay Kenya ku eedeeyeen in ay ka caga jiideeso keenida meydadka shanta qof ay Dowlada Kenya sheegtay in ay ku dileen Howlgakii Westgate Mall si looga qaado dheecaanka DNA.

Baadhayaashu waxay doonayaan in gacanta loo soo galiyo maydadka shan qof ay dowlada Kenya sheegtay in ay ku dishay howlgalkii Westgate Mall si looga qaado dhiiga iyo faraha loona ogaado cida ay yihiin iyo wadamada ay u dhasheen, balse Kenya wax jawaab ah kama bixin dalabka baadhayaasha.

Berberanews.com

info@berberanews.com