Fannaanada Hodan Cabdiraxmaan iyo Xiddigaha Geeska oo Show ku soo bandhigay muuqaallada heeso cusub

Hargeysa-(Berberanews)-Fannaanada Hodan Cabdiraxmaan oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnayd caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dhawaanku qabatay Show loogu magac-daray (Habeenka HodanCabdiraxmaan iyo Xiddigaha Geeska) oo lagu soo bandhigay heeso cusub oo ay badankooda la qaaday fanaaniinta Xidigaha Geeska iyo heeso ayhore u qaaday.

Showgan oo ka dhacay Hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa, islamarkaana ay ka soo qaybgaleen boqollaal dadweyne ah,waxaa goobta Fannaniinta Xidigaha iyo Hodan Cabdiraxmaan ku soo bandhigeen heeso cusub oo ay mid mid ula qaaday inta badan fannaaniinta Kooxdan, kuwaasoo ay aad ula dhaceen dadweynuhu.

Fannaaniinta ay heesaha wada-jirka ah la qaaday waxaa ka mid ah Maxamed Axmed Bakaal (Cirro), Mursal Muuse Cumar, Nimcaan Hillaac, Cabdi Hani, Maxamed Saleebaan iyo Cabdaxmaan Caydiid Oday, oo dhammaantood ah kooxda Xiddigaha ee loogu jecelyahay heesahooda, Waxaana dhammaantood heesahan muusiga ku fara yaraystay Macalinka Axme-weli IbraahinFurinle oo kooxdu u bixisay CIIL-TIRE, kaasoo ay uga jeedaan inuu kor u qaaday fankooda.

Waxaan kamadhnayn Hablaha XidigahaGeeska Khadra Sinimmoo,Yurub Geenyoiyo AsmaLove

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybo ka mid ah heesaha Bandhigii HodanCabdiraxmaan iyo Xiddigaha Geeska.

Daawasho wacan