Qubanaha(Berberanews)-Waa xaqiiq in qof walbaa xanaaqo wuxuu doonaba haka xanaaqee, waana dabci xikmad xambaarsan oo rabbi ku abuuray insaanka, xanaaquna waa kasoo horjeedka farxadda iyo dhoola cadeynta.
Hadaba ayad a oo dadku kala dabeecad duwan yihiin kalana dulqaad durugsan yihiin ayaa waxaa jira xarakaat sabab u noqda in qofku xanaaqo.
Xanaaqa bini aadimka ayaana loo kala qaaday 4 nooc kuwaasoo kala cabiraya shakhsiyada iyo dabeecada qof walbaa uu leeyahay marka uu xanaaqo.
1- Qof si degdeg ah ku xanaaqa, Laakiin Raali gelintiisu fududahay..
Qofka noocaa ihi waa mid dareenkiisu fudud yahay, waxaa macquul ah inuu hal eray ka xanaaqo, balse daqiiqad kadib uu raali kaa noqdo, isaga oo maanta eraygii uu ka xanaaqay berri caadi u arka, qofka sidan ahina inta badan dareenkiisu hadba sida uu yahay ayuu ku xidhan yahay, waa qof xanaaq fudud balse niyadiisa aan ku dheeraan xanaaqu si sahlan ayana lagu raali gelin karaa.
2- Qof aan inta badan xanaaqin, Laakiin Raali gelintiisu adag tahay..
Tani waa dabeecad dadka qaarkiis leeyihiin, waxaad arkeysaa qof si walboo aad ula kaftanto ama wax uga sheegto aan kaa xanaaqin maadaama uu sheeko yaqaan iyo dulqaad badane intaba yahay, laakin qofkani waxa uu musiibo noqdaa marka uu kaa xanaaqo, iyada oo ay macquul tahay in aanu muddo tododobaad ah kula hadlin, amaba aanu waligii salaanta kaa qaadin.
3- Qof si degdeg ah ku xanaaqa, Hadana Raali gelintiisu adag tahay..
Qofka noocaa ihi waa kan ugu xun bini aadimka dhanka dhaqanka iyo nolol la wadaaga, waxa uu si sahal ah uga xanaaqaa kalmad kastoo uu xumaato u arko, hadana waxaaba kasii daran in raali gelintiisu adag tahay oo ay waqti iyo sasabasho badan u baahan tahay, shaqsiga dabeecadan lehna inta badan nolosha saaxiibo badan kuma yeesho, guulo muhiim ahna ma gaadho dabeecadiisan qalafsan awgeed.
4- Qof aan inta badan xanaaqin, Hadana si fudud loo Raali gelin karo..
Qofka dabcigan leh dadku waxey ku tilmaamaan dahab aan inta badan la helin, waaana qofka ugu fiican ee nolol iyo sheeko lala wadaagi karo, sidoo kale qofkan inaad is fahantaan aad bey u fududahay inta aad la joogto ama saaxiib la tahayna marnaba ma welwel ma dareentid maxaa yeelay inta badan maba kaa xanaaqo si walboo aad u xumeyso ama ugu xad gudubto, waxaase intaas usii dheer in uu si fudud kuu cafiyo marka aad ku talax tagto ama xad gudub u geysato, inta badan qofka noocan ah dadku waxey ula baxaan magacyo kala duwan sida, dareenlaay/dareenlaawe, maskiin/maskiinad, caana ma daadshe/ma daadiso iwm..
Ugu danbeyn waa muhiim inaad baratid nooca xanaaqaadu uu yahay si dadka aad la dhaqanto ama nolol la wadaagto ay u bartaan una fududaato in aad is fahantaan..
Diyaariye “C/qaadir ismaaciil baaruud