Madaxweyne Siilaanyo oo qaatay Talaalka cudurka dabaysha oo Beri ka bilaabmaya Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo Marwadiisa ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaatay dhibcihii u horreeyay ee Tallaalka dabaysha oo doorkan la siinayo dadka waaweyn iyo carruurtaba, ka dib markii sida la sheegay dalalka dariska lagu arkay dad waaweyn oo uu ku dhacay xanuunka dabayshu.

Tallaalkan ayaa Axadda Beri ka bilaabmi doona guud ahaan Somaliland oo dhan kaasi oo socon doona muddo 7 maalmood ah.


Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan. “Talaalkan oo faa’iido u leh dadka iyo dalka aad ayey muhiim u tahay in la qaato, maadama uu caafimaadka dadka ahmiyad weyn u leh. Waxaan ku guubaabinayaa dadka uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo, oo faa’iido iyo kheyr ka helo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.talaal


Xaflad wasaarada Caafimaadku soo qabanqaabisay oo ku saabsanaa bilowga talaalka Dabaysha oo shalay ka dhacday hotel Maansoor oo ka qeybgaleen Madaxweyne-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Saylici, xubno ka tirsan golaha wasiirada, masuuliyiin ka socday hay’adaha la shaqeeya Caafimaadka iyo marti sharaf kale ayaa lagu sheegay in talaalkan maanta ka bilaabmaya dalka ee dabayshu yahay mid lagu talaalayo guud ahaan shacabka Somaliland yar iyo weynba.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay maanta farxad u tahay maadama aan weligii hore loo talaalin, halkaana uu ku qaatay talaalkii, “Anniga weligay la ima talaalin, hadii dadkii waaweynaa lagu daray waan soo dhoweynayaa.”

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in maanta guud ahaan ka bilaabi doonto Somaliland talaalka cudurka Dabaysha oo saamaynaya qof weyn iyo qof yar-ba, si looga dabarjaro Somaliland. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay inay ka qeybqaadan doonaan 1670 kooxood oo min laba qof ka kooban, socona doono 7 maalmood.

Masuuliyiin kala duwan oo ka socotay hay’adaha wada shaqeynta ay leeyahiin wasaaradda Caafimaadka, sida UNICEF, WHO oo fudueeyey helitaanka talaalkan, qaar ka tirsan culimaa’udiinka Somaliland, ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa dhamaantood ummada Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan talaalka ka hortaga cudurka Dabaysha, caruur iyo ciroolena la qaato talaalka.