Qarax lagu le’day oo ka dhacay Beledweyne iyo Madaxweynaha Somalia oo cambaareeyay

Beledweyne-(Berberanews)-166 qof, ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda, dhaawacuna wuxuu gaadhay 3o ka dib weerar ismiidaamin ah oo dagaalyahanno Al-shabaab ahi ku qaadeen Makhaayad laga shaaheeyo oo ku taal meel u dhow Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhakhaatiirta Cusbitaalka Hiiraan, ayaa sheegay inaanay waxbaka qaban Karin xaaladda caafimaad ee qaar mid ah dadka ku dhaawacmay oo xaaladoodu liidato.kuwaasoo loo qaadayo magaalada Muqdisho.

DCIM100MEDIA

Weerarkan ayaa la sheegay inuu fuliyay qof naftii hore ah oo isku oo xidhxidhay agabka qarxa


Dadka qaraxa ku dhintay badankoodu waxay ahaayeen shacab.balse waxaa iyagunaka ag dhawaa ciidamo boolis ah oo ka tirsan dawladda Somalia iyo kuwo Itoobiyaan ah, haseyeeshee lama sheegin khasaaraha ka soo gaadhay.

DCIM100MEDIA

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay qaraxa, sidalagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan CumarCismaan, kaasoo u qornaasidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Beledweyn oo halkaas dad aan waxba galabsan isku qarxiyey.

Madaxweynaha ayaa yiri “Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad diidka ah ku diidanyihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo aan dhaqanka diinta iyo kan Soomaalinimadaba ku dhisneyn oo ah afkaar shisheeye oo dalka naloo keenay. Shaqsigan is qarxiyey waxuu si aan naxariis laheyn isagu qarxiyey shacab aan waxba galabsan. Tani waxey na tuseysaa in kooxaha Al-Shabaab ay ka soo hartay mintidnimo iyo is qarxin oo looga guuleystay dagaalkii fool ka foolka ahaa.”

Madaxweynaha oo tacsi u diraya shacabka ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaalida, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii intii ku geeriyootay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannaddii fardowsa ka waraabiyo, inta dhimatayna inuu EEBBE u fudueeyo oo ay si dhaqsi leh ku bogsadaan.”