Ciyaaraha Horyaalka Champions League iyo Wacdirhii Ka Dhacay Garoomada Kala Duwan

Group G: Atletico Madrid Oo Laga Fujin La Yahay Hogaanka G-H


Atletico Madrid ayaa laga fujin la yahay hogaanka Group G ka dib markii ay 3-0 ugu awood sheegteen kooxda Austria Vienna oo marti loo ahaa.

Raul Garcia ayaa goolasha u furay kooxda reer Spain, ka hor intii aanu labo gool ugu kordhin xidiga Diego Costa.

Diego Costa ayaana xilli ciyaareedkan ku raaxeysanaya qaab ciyaareed aad u fiican isagoo ilaa iyo haatan dhaliyay 12 gool.g f

Guusha ay gaadhay Atletico ayaa la micno ah inay 9 dhibcood ku heyso Group G madaama ay wada badiyeen seddexdii kulan ee ay ciyaareen.

Zenit ayaa kaalinta labaad soo gashay ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen 10 ciyaaryahan oo FC porto ah.

Zenit waxa ay leedahay 4 dhibcood halka FC Porto ay leedahay seddex dhibcood halka Austria Vienna ay hal dhibic leedahay.

Group H: AC Milan Iyo Barcelona Oo Dhibcaha Ku Kala Qeybsaday San Siro

Kooxaha AC Milan iyo Barcelona ayaa dhibcaha ku kala qeybsadasy San Siro ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.

Milan ayaa qabatay hogaanka markii qalad difaacyahanada Barca ee Pique iyo Mascherano ay sameeyeen uu u ogolaaday in Robinho iyo Kaka ay kubado taabasho ah isweydaarsadaan, iyadoo Robinho uu markii danbe kubada dabamariyay Victor Valdes.G H

Barcelona ayaa barbareysay daqiiqadii 23aad ee ciyaarta markii Iniesta uu baas fiican u dhigay Messi kaasoo isna aan ka daahin inuu kubada shabaqa ku hubsado.

Natiijadan waxa ay ka dhigeysaa in Barcelona ay Group H ku hogaaminayso 7 dhibcood, halka AC Milan ay leedahay 5 dhibcood.

Celtic ayaa soo gashay kaalinta 3aad iyagoo leh 3 dhibcood ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Ajax, halka kooxda reer Holland ay group-ka u hooseyso iyadoo leh kaliya hal dhibic.

GROUP F: Dortmund Oo Gurigeeda Ku Tuntay Arsenal iyo Napoli Oo Badisay.

Gool uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta Robert Lewandowski ayaa u sahlay Borussia Dortmund inay Arsenal ku garaacaan garoonkooda oo ay kaga talaabsadaan 2-1 iyagoo dhadhansiiyay guuldarro markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan Champions League.

Borussia Dortmund ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiqadii 15aad markii qalad uu Ramsey sameeyey ay keentay in kubada uu helo Reus kaasoo u dhiibay Lewandowski kaasoo isna quudiyay Mkhitaryan oo isna kubad taraarax ah shabaqa dhex dhigay.G G

Arsenal ayayna ku qaadatay inay hesho goolka barbaraha daqiiqadii 40aad, markii Ramsey uu quudiyay Sagna oo garabka midig saarnaa kaasoo kubad ka dul qaaday Subotic waxaana ay u sahashay Giroud inuu kubada si habsami leh shabaqa u dhex dhigo.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah. Arsenal ayaana ku dhawaatay inay hesho goolka barbaraha daqiiqadii 69aad ee ciyaarta markii Ozil uu kubad ka soo dhex bixiyay afar ciyaaryahan oo Dortmund ah isagoo u dhigay Cazorla kaasoo darbadiisa ay qabsatay birta.

Borussia Dortmund ayaana hogaanka ciyaarta ku soo laabatay markii ay ciyaarta ka dhineyd 10 daqiiqo iyadoo karoos uu soo dhigay Großkreutz ay keentay in Robert Lewandowski uu kubada shabaqa ku hubsado taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo Dortmund ay hogaanka ku heysay.

Lewandowski ayaana dhaliyay 7 ka mid ah 10kii gool ee ugu danbeeyay ee ay Dortmund ka dhaliso Champions League.

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda martida aheyd ee Borussia Dortmund kuwaasoo haatan hogaanka u haya group-ka inkastoo ay isku dhibco yihiin Arsenal iyo Napoli.

Napoli ayaa iyadana 2-1 kaga  badisay Marseille oo marti loo ahaa, iyadoo kooxda Talyaaniga goolasha ay u kala dhaliyeen Callejon iyo Zapata, waxaana Marseille gool u soo celiyay xilli danbe ciyaaryahan Ayew.

Marseille ayaana qarka u saaran inay ka hadho Champions League madaama laga badiyay dhamaan seddexdii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan, halka kooxaha Dortmund, Arsenal iyo Napoli ay isku dhegan yihiin oo ay wadaagaan min lix dhibcood.

 

Group E: Fernando Torres Oo Hormood Ka Ahaa Guushii Chelsea ay Ka Gaadhay Schalke.

Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka Group E ka dib markii ay 3-0 ku garaaceen kooxda Schalke ee dalka Jarmalka iyagoo uga mahadcelinaya labo gool uu u dhaliyay Fernando Torres.

Chelsea ayay ku qaadatay inay hogaanka u qabato ciyaarta kaliya shan daqiiqo markii ay socotay, kooner la soo tuuray ayaa waxaa taabtay Ivanovic ka hor intii aanu Torres madax ku dhalinin.

Torres ayaana goolkaan kula dabaaldegay kulankiisii 100aad ee ciyaarta lagu bilaabo ( Line-up ka kooxda uu kamidka ahaa).

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay goolkaas uu dhaliyay xiddiga reer Spain Fernando Torres, iyadoo Chelsea ay 1-0 hogaanka ku heysay.

Chelsea ayaana hogaanka ciyaarta sii dheereysatay daqiiqadii 69aad, markii Hazard uu kubad la dhaafay labo ciyaaryahan iyadoo kubado ay isweydaarsadeen Oscar, Torres iyo Hazard. Hazard ayaa kubad u baasay Oscard kaasoo isna kubada u dhiibay Torres oo isna shabaqa dhex dhigay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Fernando Torres ayaana haatan dhaliyay goolal la mid ah intii uu Champions League u soo dhaliyay Liverpool oo ah sideed gool.

Daqiiqadii 87aad ayaana Chelsea ay heshay goolka seddexaad ee ciyaarta oo uu dhaliyay Eden Hazard balse uu qeyb libaax leh ka qaatay Fernando Torres.G E Chelsea's Torres celebrates with his team mate Hazard after scoring a goal against Schalke 04 during their Champions League soccer match in Gelsenkirchen

Labadaas gool ee uu dhaliyay Fernando Torres iyo goolka Hazard ayaana ugu filnaa Chelsea inay guusha ku xaqiijisato Germany, waxaana ay 6 dhibcood ku hayaan hogaanka Group E, inkastoo farqigooda hogaanka uu yahay kaliya farqiga goolasha. Schalke ayaana labaad ku jirta oo leh lix dhibcood.

Basel ayaa barbaro 1-1 ah kala kulantay Staeu Bucharest taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan kaalinta 3aad iyagoo leh 4 dhibcood.