Canaan Ka Yaab Reer Ma Doojo Caddaaladina Waa Sinnaan

Maxamuud Yusuf Axmed

Anigoo ka mid ah odayaasha magaalada Hargeysa sida aadka ah looga yaqaan isla markaana ah mujaahid xilal badan ka soo qabtay dalka; waxan doonayaa inaan faallo yar ka bixiyo ololaha cashuur qaadista gaadiidka.
Waxan soo galay xarunta kastamka cashuur qaadista ee ka soo horjeeda cusbitaalka weyn ee Hargeisa anigoo wata baabuurkaygii oo aan lix sannadood la cashuurin askartuna ay i wada garanayaan. Waxanu daf is nidhi oo hadallo adag isdhaafsanay nin askartaba ka soo horreeya oo laygu yidhi waa wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda. Dhawr goor ayaan ku idhi “waar miyaadan i garanayn?” wuxu iigu jawaabey kuma garanayo. Askartina way ku dhici waayeen inay iga furfuran ka dibna gaadhigii ayaa gudaha la iga dhigay. Inkastoo aan ka cadhooday qaddarin la’aanta wasiirku igu sameeyey, haddana markii aan arkay baabuurtii khaaska ahayd ee wasiirrada, tujaarta, kornaylada, tagsiilayaasha iyo caanaleydiiba laga wada dhigay; cadhadii aan qabey waxay isu bedeshey inaan wasiirkii ku ammaano inay manta tahay maalintii ugu horreysey sidii dalka loo soo galay ee aan arko sharciga oo loo siman yahay. Anigoo qoslaya ayaan cashuurtii bixiyey.
Shalay Jaraaid-ku waxay soo sawireen wasiirka oo Hawshaas ku jira iyaga oo Fadeexad uga dhigaaya oo leh imisa Jaran-jaro ayaa u dhexeeya wasiirka Darawalka Gaadhiga wadda Laakiin Waxayna Garanayn in Wasiirku Qabtay shaqadiisii oo u ka qayb-qaatay olole Cashuur ururineed.
Waxaan leeyahay Maanta Saldanad, Awood qabiil iyo Lacag midna shaqayn weyday
Bagaa loo helay Wasiirkaa ku dhaca leh waxaanan filayaa in Tujaarta waaweyn iyo shirkadaha isgaadhsiinta iyo Xawaaladuhuna aanay waxba ku ahayn in uu sidaas uga qaado cashuuraha ku waajibay.

Allaa Mahad leh

Maxamuud Yusuf Axmed