Weriye u dhintay dhaawac loo geystay oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho-(Berberanews)-Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde, ayaa maanta loogu aasay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xalay Isbitaalka Madiina uu ugu geeriyooday, dhaawac loogu geystay Magalaada Muqdishi 22-kii bishaan.

Boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka qeyb galeen aaska Wariyaha, oo lagu qabtay Khabuuraha Isbitaal Madiina.

aas1