Magacyada Madaxda Ururka Ikhwaanu Muslimiinka oo dawladda dalkaas afgembiday Maxkamadaynayso todobaadyada soo socda

Egypt-(Berberanews)-Wakaaladda wararka Masar ee Mena ayaa daboolka ka qaaday in todobaaadyada soo socda maxkammad la soo taagayo Madaxweynihii afgembiga lagu inqilaabay ee Maxamed Mursi iyo hoggaamiyayaasha Ururka Ikhwaanu Muslimiin oo ay ka mid yihiin Maxamed Badiic, hoogaamiyaha ururka iyo Cisaam al-Caryaan oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka.


Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka, Cisaam al-Caryaan, oo isagu muddo dheer dhuumaalaysi ku jiray, ayaa sida ay dawladda Masar sheegtay inay maanta ka soo qabatay guri ku yaalla caasimada Qaahira, sida ay sheegtay dowladda Masar,kaasoo boolisku ku jiray baadi-goobkiisa tan iyo bishii July markii xukunkalaga tuuray Mursi.

egypt

Dawladda Milaterigu taageeray ee dalka Masar, ayaa tan iyo intii ka dambaysay afgembigii Maxamed Mursi ku dhaqaaqday ugaadhsiga hoggaamiyayaasha ururka Ikhwaanu Muslimiinta Masar oo iyagu ku guulaystay aqlabiyadda Doorashadii ka dhacday dalkaas sannadkii 2012.

Saddex xaakin oo gacanta ku hayay dacwad ka dhan ah Badiic, iyo ku xigeenkiisa Khayrat al-Shatir, ayaa kiiska faraha kala baxay, taasoo ay ku tilmaameen mid aandamiirkoodu siinayn dacwad inay qaadaan kiiska hoggaamiyayaashan.

Maxamed Fahmy al-Qarmuty, oo hadlayay kooxda qaadaysay dacwadda Badiic ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay kiiska ka hadhayaan.

Berberanews.com

info@berberanews.com