Wadadaada hore ula wareegay awoodda Madaxweyne Siilaanyo oo ku khasbay Qayb Ka Mid Ah Gudida Qaban-qaabada Shirweynaha Kulmiye inay qol madaw ku doortaan Hoggaan

Hargeysa(Araweelo/Berberanews)-Kooxada Wasiiradda awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mayalka u haya ayaa ku khasbay qayb ka mid ah Guddida qaban-qaabada

 Shirweynaha Xisbiga Kulmiye inay khasab ku doortaan hogaan  ka kooban Afar xubnood. Kadib markii ay maanta kulan qarsoodi ah ku yeesheen qol madaw oo ku yaal Gurri ku yaala Magaaladda Hargeysa.

Kulankaa oo ahaa mid aanay hogaanka xisbigu waxba kala socon, isla markaana aanay ka qaybgelin kala badh xubnaha gudida qabanqaabada, waxay xubnaha wasiiradda awooda badan ee loolanka ugu jira sidii ay ula wareegi lahaayeen hogaanka xisbiga Kulmiye  ku khasbeen xubnaha ka qaybgalay in ay doortaan Afar xubnood oo kala ah Guddoomiye, Guddoomiye Ku xigeen, Xoghaye iyo Afhayeen.


Kulankaa qarsoodiga ah oo ahaa mid lasoo qorsheeyay, waxa xubnaha  gudigga Qaban qaabada eek a qaybgalay lagu sheegay 15 xubnood oo ka mid ah 27 xubnood ee ay ka kooban yihiin, waxaana madasha ka maqnaadey oo aan qorshahaa la socon xubnaha kale ee gudida iyo hogaanka Xisbiga.

Halkan Riix Warkan oo dhammaystiran