Aafada Qaadku ku hayo bulshada Soomaalida WQ.Mohamed Hassan kaahiye

Waxay ahayd goor ay saacadu ku siisiqayso abaaro 8:15 wakhtiga geeska afrika waxa aan ku sugnaa xarun caffe ga laga cabo taasi oo ku taala badhtamaha suuqa hargeisa halkaas oo aad moodo in ay qancin karila yahiin dadkii wax iibsanayey taasi oo macnaheedu tahay over customer sida shaqadu ay noqoto wakhtiyadii ramadaanta oo kale oo ay dhamaan meelahaas u afuro tagaan hadaba maanta maxaa dhacay xaruntan caffega laga cabo dadka i hareero fadhiyay ay  dalbanayaa in laga iibiyo saabuuse iyo xalwad muus sharaabadii nooca juiceka ah dhamaantood waxay sheeko gaaban na dhexmartay nin agtayda fadhiyey oo sugayey dalab uu u diray shaqaalaha meherada waxayna u dhacday sidatan:-
cummaani

Walaal magacaa magacaygu waa ahmed muse cali adigana mohamed hassan kahiye barasho wacan walaal maanta buuqa inta leeg maxa keenay meheradan waan ku xidhnaa oo sidan may noqon jirin marka laga reebo wakhtiyada ramadaanta ahmed walaal aniga iyo dadka ila midka ah ee fadhiya meeshan waxay waayeen Qaadkii la cunijiray wakhtiga galinka hore amaba loo yaqaan (IJABANE AROORYAAD) kaasi oo laga dhigto quraac amaba indhaha lagu kala furo subaxii marka qofku tooso ayaa taasi oo noqotay balwad aan laga maarmin amaba dadku laqabsadeen dadkana cunaa waxaan ku qiyaasay 94% dadka hargesia degan maanta maxaa ku dhacay Qaadkii waxaan maanta hakad galiyey xaflada qoomiyada ethopia oo markan ka dhacaysa kililka shanaad ee ismaamulka somalida oo markii u horaysay lagu qabtay magaalada jigjiga taasi oo sababtay in la xidho xuduudaha ethoipia ay la wadagto somaliland inta ay xafladu socoto waxaan axmed waydiiyey hadii la joojiyo maxaa dhacaya waxaanu iigu jawaabay adeer waxba kala soconmaayaan oo halkan caffe ku cabimaysid dadkuna waxay kaaga mashquulsan yihiin qaadka oo afarnooc loo cuno taasi oo wakhtiga oo dhan ay fadhiyaan marfashyada iyo meelaha guryahay halkaas oo ay ku dalbadaan -ijabane -barje biyo-raacis – iyo ka afraad oo ay ugu yeedhaan chenal 4  oo habeenkii saacadaha danbe ay cunaan dadka ku takhakhusay fajida intaas ka dib waxaan ka tagay meheradii caffe ga iibinaysay waxaanan ku laabtay xaruntaydii shaqo intii aan jidka ku sii jiray ayaan aniga oo maankayga ku haya sheekadii na dhexmartay ahmed waxaan la kulmay dadkii oo tuban wadooyinka dhexdeeda iyaga oo ka sheekaysanaya qaadkii goorta uu soo galayo halka qaarna ay leeyahiin ijabanihii hadii uu ina dhaafay suurto gal maaha in uu na dhaafo barjaha duhurka ka danbeeya hadii kale Ethoipia ay ka doonano dadka calooshii ayaa madhan oo wax lagu buuxiyo lama hayo inta qaadku maqanyahay halka qaar kalena ku tiraabayaan xaga hudheelada haloo yaaco si qaadka looga seexdo maanta hadaba waxaan iswaydiiyey dadka qaadka ma waxay u cunaan cunto ahaan mise waxaa loo cunaa mirqaan mise waxaa loo cunaa wakhti lumis su,aashaas oo aan ka jawabi kari waayey aniga shaqsi ahaan waxaan ku sifeeyey markii aan rogrogay jawaabta suaasha (gumaysi casriyeysan)

taasi oo bulshada dhamaanteed aanay wali dhaadsanayn

hadaba sida xaalku marayo hadii wax laga badaliwaayo waxaa iman doonta maalin raacdadu fogaato maarayna la heliwaayo ……….

wabilahi tawfiiq

Mohamed Hassan kaahiye

Email: mhkaah@gmail.com

Hargeisa somaliland.