Messi, CR7 iyo Ribery oo isugu soo hadhay musharaxnimada Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or

Franck Ribery, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa isugu soo hadhay tartanka Jaa’isada  FIFA Ballon d’Or ee sanadkaan 2013ka. 1359200143_01-540x262 Lionel Messi oo Barcelona ka tirsan  ayaa ku guuleysanayay Abaalmarinta afartii sano ee la soo dhaafay waxana uu ku faanayaa waxqabad uu  kamid yahay in uu ku hogaamiyay kooxdiisa horyaalka La Liga isagoo dhaliyay 46 gool. Ribery ayaa ku raaxeystay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed, isagoo Bayern Munich ka caawiyey inay ku guuleysato seddaxleey koobab ah, isla markaana waxaa lagu qiimeynayaa bandhigiisii fiicnaa gaar ahaan wixii uu kusoo bandhigay Bundesliga. CR7 ayaa 2013ka ku dhameysan doona isagoo koob la’aan ah, laakiin wuxuu ku jiray qaab ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa kooxda iyo dalkiisaba, isagoo dhaliyey wadar ahaan 28 gool Real Madrid iyo Portugal. 28 jirkan oo ku guuleystay Abaalmarintan 2008dii isagoo uga mahad celinaya shaqadii uu ku qabtay Manchester United ayaase haatan ugu cad cad ka dib markii uu Seleccao ka caawiyey inay gaarto Koobka Adduunka 2014ka isagoo seddaxleey goolal ah ka dhaliyey Sweden lugtii labaad ee wareega play-offka. Codeynta Ballon d’Or ayaa lasoo xiray 29kii November iyadoo waqtigii asalka ahaa la kordhiyey, isla markaana ku guuleystaha Abaalmarinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa 13ka bisha January xaflad ka dheceysa magaalada Zurich ee dalka Switzerland