Afar Suxufi oo Damaanad Lagu Sii Daayay iyo Kuwa kale oo Goordhaweyd Xabsiga Loo taxaabay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Fadxiya Fadxiya Jaahuur, ayaa Duhurnimadii Maanta Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa kala soo baxay suxufiyiintaasi, waxaana wehelinayay Xubno ka mid ah Ururrada Xuquuqal Iinsaanka iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha wakiillada oo madaxtooyada ka ag dhaw.

aaaafffft

 

 Suxufiyiintan ayaa sidoo kale lagu amray inaanay wax hadal ah saxaafadda siinin, isla markaana dhawrsadaan ilaa inta Kiiskoodu ka dhamaanayo.

 

Xukuumadda ayaa hore ugu gacan saydhay Codsi damaanad ah oo ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka dalbadeen todobaadkii hore markii Rumaanka loo diray in lagu soo daayo, waxaanay arrintani u muuqataa mid ay xukuuamddu ku dambabesayso cambaareynta Caalamiga iyo ta gudaha uga imanayso, oo ay ka cabsi qabto inay sii laba jibaaranto xuska Maalinta Xuquuqal iinsaanka Adduunka ee 10 December.

 

Xubno isugu jira Masuuliyiinta Asxaabta Mucaaridka a, Ururrada Xuquuqal Iinsaanka, Ururrada Saxaafadda iyo Suxufiyiin kale, ayaa saaka cambaareeyay xadhiga wariyeyaashaasi, waxaana baaq dheer u direen bulshada Caalamka oo ay ka dalbadeen in hoos loo eego xadgudubyada ka dhan ah saxaafadda ee somaliland ka dhacaya.

 

Dhinaca kale, warar kale ayaa  sheegaya in la xidhay afar wariye oo hawlo shaqo u tegay deegaanka Jaleelo ee Gobolka maroodi-jeex, halkaasoo ay Odayaal deegaanka war cabasho ka dhan ah Maamulka Degmada kaga soo duubayeen.

 

Waxa la sheegay in afartaa Suxufi oo ka kala hawl-gala Telefishanada Bulshotv, Universal iyo Royal lagu qabtay Kaantaroolka Haleeya, loona dhaadhiciyay Saldhiga degmada Laas-geel.

 

Ma jiro war faahfaahsan oo laga helay xadhiga Wariyeyaashaasi, balse waxa warkii ugu dambeeyay ee laga helay sheegayay in lagu haysto warkaa ay soo duubeen, isla markaana masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan amarka lagu xidhay bixiyeen.

 

Suxufiyiinta xidhan waxa ka mid ah Cali Xasan Sugule oo ah Filin qaade ka tirsan telefishanka universal, Cabdirashiid C/wahaab  oo ah wariye ka tirsan Telefishankaasi, Faysal Fiifa oo ka mid ah Royal Tv iyo Nagiib Cabdilaahi Colaad oo Bulshotv ka hawl-gala.

 Dhaaman qalabkii ku shaqaynayeen ayaa laga qaaday, waxaana lagu sii wadaa Saldhiga laas-geel”sidaasi waxa yidhi Sarkaal sare oo ka hadlay xadhiga wariyeyaashan.

 

La soco warkan oo faahfaahsan goor dhaw…