Andre Villas-Boas oo dhamaadka xili ciyaareedkan ka tagaya Tottenahm

Xadhiidhka Tottenham Hotspur iyo tababare Andre Villas-Boas ayaa laga soo warinayaa inuu dhamaan doonto waxii ka danbeeya xili ciyaareekan.
andre-villas-boas-tottenham
 
Tababaraha qaranka Portugul ayaa lala xadhiidhinayaa inuu kooxda iskaga tagi doono kadib guul daradii 6-0 ee kasoo gaadhay  Manchester City 24-kii November.
Spurs ayaa udagaalantay labo guul iyo mid bar bardhac ah, kadib guul daradii City, waxaana Villas-Boas iyo gudoomiye Daniel Levy ayaa qaatay wadatashi ku too san xaalada kooxda.
Levy ayaa rajaynaya in tababarihii hore ee Chelsea uu katagi doono shaqada kooxda marka uu dhamaado xili ciyaareekan, sidaas waxaa laga soo xigtay Goal.com.
Kooxda Tottenham Hosper ayaa suuqa kala xili ciyaareedkan lasoo wareegtay ciyaaryahano badan hase ahaatee, halka ay ka fadhiso kala horeynta horyaalka ayaan ahayn mid uu ku qancayo Levy.