Bayern Munich oo heshiiska u kordhinaysa Ciyaaryahan Arjen Robben

Gudoomiyaha Kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa shaaca ka qaaday inuu ku kalsoon yahay in Arjen Robben uu saxeexi doono heshiis uu kula sii joogo kooxda.
robben-540x374
Xidigan qaranka Holland oo dhaawac ahaan kooxda kaga maqnaan doona mudo lix todobaad  ah ayaa qaab wanaagsan ku bilowday xili ciyaareedkan, waxaana 19 kulan uu dhaliyay 13 gool taas oo ka badan dhamaan goolashii uu xili ciyaareedkii hore dhaliyay.
29-jirkan weerarka bidix ah ayaa heshiiskiisa Allianz Arena uu ku egyahay 2015, hase ahaatee Rummenigge ayaa sheegay in Robben aanu ka wal wali doonin mustaqbalkiisa kooxda.
“aad ayaan ugu faraxsanahay Arjen,” ayuu Sport1 usheegay ciyaaryahankii hore ee West Germany.
“qiyaas ahaan lix todobaad ayuu maqnaan doonaa, fikradeena waa in aanu waxba isbadali doonin”.
58-jirkan ayaa rejo ka qaba in Robben uu ciyaarihiisa ku dhamaysan doono kooxda.
Robben ayaa Bayern kaga soo biiray Real Madrid sanadkii 2009, waxaana uu ahaa furaha kooxda isagoo dhaliyay goolkii soo raagay ee ay Bayern Munich Champions League kaga qaaday  Borussia Dortmund