Inter Waxa Ay U Baahan Tahay Inay Wax Iska Iibiso Ka Hor Inta Aysa Wax Soo Iibsan.

Agaasimaha Inter Piero Ausilio ayaa sheegay in kooxda ay la soo wareegi doonto kaliya ciyaartoyda bisha January haddii ay awood u helaan inay iska iibiyaan qaar badan oo dheeri ku ah kooxda.
guarin-parma490ai_0 (1)
“Waxaan xilli ciyaareedka ku bilaabanay in ka badan ciyaartoydii aan u baahneyn, waxaan kaliya dooneynay inaan heysano labo ama seddex dheeri ku ah kooxda” ayuu madaxaan u sheegay Sky Sport Italia.
 
“Madaama aan heysano ciyaaryahano aad u badan, waxaan mar ka hor ka fekereynaa inaan kooxda yareyno bisha Janaayo ka hor inta aanan ka fiirsan inaan keeno kuwa kale, waxaan u baahnaan doonaa inaan qaar ka mid ah ciyaartoydeena fasaxno.”
 
Nerazzurri ayaa isbedel badan isku sameysay xagaagii laakiin ciyaartoyda da’da yar Ishak Belfodil iyo Mauro Icardi ayaana weli saldhigan.