MIDABKA KAADIDA QOFKA OO WAX BADAN KA SHEEGTA CAAFIMAADKIISA

Dhakhaatiir u dhashay dalka Maraykanka, ayaa soo bandhigay sawirro muujinaaya midabbada kaadida bina’aadamku kajaan iyo waxyaabaha ay ka turjumayaan, iyagoo si faafhaafhsan u tilmaamay in kaadida midabka boodhaha u dhow inay tahay mid ka turjumaysa khatar aad u badan.
 images (3)
Sawirkan oo ay soo saartay xarun caafimaad oo la yidhaa Cleveland Clinic oo ku taal Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, ayaa muujinaya in kaadida caadiga ah tahay mid midabka malabka u eg.
 
Khubaradani waxay sheegeen in kaadida qofku tilmaanto waxa jidhkiisa dhexdiisa ka jira, iyagoo ku taliyey in dadku markay kaadidooda ku arkaan midabbada khatarta sheegaya ay la xidhiidhaan dhakhaatiirtooda.
 
Sawir-xarriiqeedka culimadani soo bandhigeen waxay sheegeen haddii aan kaadida qofku midab lahayn waxay muujinaysa in qofkaasi aad u cabbo biyaha, sidaa darteedna uu biyaha xad-dhaafka ah yaraysto, waxana tan la mid ah marka kaadidu isu beddesho midabka huruudda.
 
Haddii ay tahay midabka bigayska oo qafiifa qofku wuxuu cabbay biyo badan amma cabbitaan ku filan, waana mid caafimaadkiisa iyo fuuqiisuba aad u fiican yahay
 
Hadddii kaadidu tahay huruud madow ku jiro waxay arrintan muujinaysaa amma tilmaamaysaa in qofkaasi u baahan yahay biyo badan, halka haddii midabka kaadidu tahay midabka malabka oo kale ay ishaarayso inuu fuuq-baxay, una baahan yahay wax fuuqa ka baxay u soo celiya.
 
Sawirka culimaduna ku muujiyeen arrintan waxa uu soo bandhigay haddii qofka midabkiisu yahay  kafee (brown) ay taasi caddayn u tahay in qofkaasi aad u fuuq baxsan yahay amma qofkaas ku soo fool leedahay beer-xannuun amma joonis.
 
Waxay soo jeediyeen khubaradu haddii qofka kaadidiisu midabbo samayso inuu si toos ah ula xidhiidho dhakhtar amma uu biyo badan cabbo.
 
Haddii qofku aannu cunin cunto midabbo samaysa, sidaa darteedna kaadidiisu isu beddesho casaan waxay muujinaysaa in kelyaha xannuun ka jiro amma kansar ku soo fool leeyahay ammase caabuq ku dhacay dhuumaha kaadi-mareenka.
 
Mararka qaar oo aad u yaraato kaadidu waxay isu beddeshaa buluug amma doogo, taasina waxay tahay in qofkaasi cunay cunto midabbo leh amma dawo, halka mararka qaarkoodna ay muujiso in qofkaas bakteeriya kaga dhalatay dhuumaha kaadi-mareenka.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Askars4@hotmail.com
Berberanews.com