Weriyaayal Xabsiga Hargeysa ku jira oo cuntada ka soomay

Hargeysa-(Berberanews)- Afar Weriye ciidamadu boolisku Xabsiga u taxaabeen 3 Bishan, ayaa Maanta ka Soomay Cuntadii iyaga oo ilaa  Habeen hore aan wax cunto ah afka saarin, isla markaana Quracdii Saaka loo geyey aanay Cunin, waxaanay Dadka Eheladooda ahi xaqiijiyeen in maanta markii Qadadii loogeyey ay Ciidanka Xabsigu u sheegen in aanay Wariyaashi Ilaa Xallay waxba cunin, ka dib markii loo diiday in ehladoodu soo booqdaan.
Afartan Wariye ayaa Ciidanka Booliska oo fulinaya Amar uu bixiyeyTaliyaha  Boliiska ay Xidheen wakhti ay ku gudo-jireen Shaqadooda Hawlmalmeedka ahayn, waxaanay wakhtiga la xidhay Duubayeen Banaan-bax Salmi ah oo ay sameynayeen koox wariyeyaal ah oo ka Cadhoodey Siideynta dambiile u xidhnaa Weerar isku-day dil ahaa oo badhtamihii sannadkan lagula kacay Wargeyska Hubaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, kaas oo ay sii daysay Xukumada Somaliland.

affar weriye
Weriyeyaal-la-xidhayWariyeyaashan ayaa Muddo todoba Cisho ah u Xidhan Xukumada waxaanay kala yihiin Siciid Khadar Cabdilaahi, Xasan Maal Dhidar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir oo ka hawl gala saxaafada madaxa banaan ee Somaliland, waxaana tan iyo mudadaasi ay xidhnaayeen  laga horjoogsaday  in ay arkaan dadka ehelladooda ah, Suxufiyiinta iyo ururrada xuquuqal-iinsaanka.
Wariyeyaasha ayaa intii ay xidhnaayeen hal oo kaliya ah la horgeeyey Sharciga, waxaana natiijadii dhegaysiga dacwaddooda ka soo baxday xukun Rumaan ah oo maxkamaddu amartay in muddo todoba Cisho ah lagu hayo Xabsiga, iyada oo aanay maxkamaddu wax dambi ah ku caddayn.
Berberanews.com

info@berberanews.com