Xildhibaanno isku fara-saaray Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland

Xildhibaan Ibraahim Rayte iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) ayaa manta xarunta Golaha wakiiladda dhexdiisa Feedh iskala daalay, iyagoo isku haysta xurgufta siyaasadeed ee ka dhalatay isku shaandhayntii guddiyada golahaas oo aan wali loo maaro helin.

Dagaalka labada Xildhibaan ayaa salka ku haya Loolan adag oo golahaas ka taagan kaasoo saameeyey shirguddoonka Golahaasi iyo Xildhibaanada, waxaanay u egtahay in dagaalkoodu salka ku hayo kala jiidashada xilalka gudiyadda Golahaas oo midkoodna ka mid ahaa guddoomiyayaasha guddiyadii hore, halka ka kalena ka mid yahay guddoomiyayaasha cusub ee Cirro abuuray.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin ayaa ahaa Guddoomiyihii hore ee guddidii Cadaaladda, halka Xildhibaan Rayte imika loo doortay guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, waxaanay labadoodu la kala safan yihiin Guddoomiye Cirro oo Mucaarad ah iyo labada ku-xigeen oo Muxaafid ah.

labada xildhibaan


Warkaasoo dhammaystiran halkan Riix