Barcelona Oo Qorsheyneysa Inay Dhisato Garoonka Seddexaad Ee Ugu Baaxada Weyn Dunida

Barcelona ayaa xaqiijisay inay qorsheyneyso inay dhisto garoonka seddexaad ee adduunyada oo idil ugu baaxad weynaan doona kaasoo qaadaya 105 kun taageerayaal ah.

Ciyaarao-(Berberanews)-Afhayeenka kooxda Toni Freixa ayaa sheegay maalintii  oo isniin aheyd in kooxda ay cod u qaadi doonto sannadka soo socda in dayactir lagu sameeyo Camp Nou ama in garoon cusub meel u dhow garoonka haatan laga dhiso.article-0-1A214584000005DC-406_634x413

 

Marka garoonka la dhameeyo, garoonka cusub ee Camp Nou ayaa noqon doona kan seddexaad ee qaadis weyn dunida waxaana ka sareeya kaliya labo garoon kale, garoonka Rungrado May Day Stadium ee dalka North Korea oo qaada 150 kun iyo Saltlake Stadium oo ku yaala magaalada Calcuta ee dalka India oo qaada 120 kun.

 

 

 

Garoonka haatan ee Barcelona ayaa qaada 93 kun 354 taageerayaal ah, waxaana Freixa uu sheegay in dooqyada u furan ay ka mid ah in dayactir lagu sameeyo dhismaha haatan ama in la dhiso mid cusub oo naqshad cusub loo yeelo.