Culimada Somaliland oo qayb ka noqonaya la-dagaallaanka Musuqmaasuqa

Hargeysa-(Berberanews)- Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland, ayaa kulan la xidhiidha wacyigelinta la tacaalida musuqa u qabtay culimada imaamyada ka ah masaajidada magaalada Hargeysa.

Kulankan oo qayb ka ah barmaamijyo bulshada lagaga wacyigelinayo aafada wacyigelinayo bulshada aafada musuqa, isla markaana lagu soo beegay xuska maalinta caalamiga ah ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ee 9-ka bisha December, ayaa Komishanka oo kaashanaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta la yeeshay culimada imaamyada ka ah masaajidada shanta degmo ee caasimadda Hargesa.

Agaasimaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Mr. Xasan Cumar Hoorri oo furitaankii kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in sababta ay ugu beegeen kulanka culimada xuska maalinta la-dagaallanka musuqa oo ah mid caalami ah tahay maadaama diinteenna Islaamku xaaraantinimaysay, isla markaana ay ina farayso la-dagaallankan musuqa.

komishanka maamul-wanaaga komishanka maamul-wanaag

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Komishanku dhawaan wuxuu soo afjaray xog uu ka ururinayey musuqmaasuqa, annagoo la kaashanaynay dad ajanebi ah oo ajanebi iyo kuwa muwaadiniin ahba leh, xogtaasi dhawaan ayaanu soo bandhigi doonaa. Hase ahaatee sida aynu wada garanayno musuqmaasuqu waa aafo ku baahday dalkeenna, waxyaabo badan ayaa sababi kara oo dhaqaale xumo ama baahi ayaa keeni karta, laakiin waxa ugu wayn ee keenayaa waxa weeye qofka markuu iimaankiisa iyo caqiidadiisu ay hoos u dhacaan, waxa ugu wayn ee lagaga badbaadi karaana waxa weeye in qofku Ilaahiisa iyo diintiisa kaga baqo ee uu kaga hortago wixii dhib u keenaya ifkiisa iyo aakhiradiisaba. Sidaasi darteed, Komishan ahaan tallaabo kasta oo aannu qaadanyno waxaannu u aragnaa inuu xalku yahay diinta Islaamka.”

“Musuqmaasuqa waa aafo aad ugu baahday dalkeenna, waa arrinta aynu ka tallaabsan la’nahay ee horumarka waddanka dib u dhigaysa, markaa waa in culimadu kaga wacyigeliso bulshada masaajidada meelaha kaleba,” ayuu hadalkiisa raaciyey Agaasime Hoorri.

Waxa kaloo uu Agaasimuhu ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo inuu mid ka mid ah culimada diinta ku daro saddexda jaggo ee ka bannaan dhismaha Komishanka Maamul-wanaagga oo sida sharcigu dhigayo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisu ka magacaaban yihiin.

Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed oo ka tirsan culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan hawlaha wacyigelinta ee Komishanka maamul-wanaaggu wadaan, isla markaana ay wasaarad ahaan diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan la tacaadilada musuqmaasuqa. Waxaannu culimada ku booriyey inay masaajidada mar walba shacabka uga sheegaan khatarta uu leeyahay musuqu.

Ugu dambayn Wasiir Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadal ka jeediyey furintaankii kulankaasi ayaa sheegay in diinta Islaamku xaaraantinimaysay nooc kasta oo musuqmaasuq ah, isla markaana uu Alle nacdalay ka bixinaya, ka qaadanaya iyo ka u dhexeeyaba.

“Musuqmaasuqu wuxuu keenaa dhib fara badan oo dib-u-dhac bulsho kow ka tahay, markaa walaalaheen Komishanka oo aannu horena ula soo shaqaynay oo aannu hal-ku-dhigyo la soo saarnay, waayo xujo ayey ina saarayaan, markaa waa in culimadiina imaamyada ahi bulshada kaga wacyigelisaan masaajidada iyo goobaha kale ee bulshadu isugu timaado,” ayuu yidhi Sheekh Khalii