Luis Suarez Oo Diiday Inuu Heshiis Cusub U Saxeexo Liverpool Rejo Uu Ka qabo Real Madrid Awgeed

Ciyaaro-(Berberanews)-Laacib ka xulka qaranka Uruguay Luis Suarez ayaa diiday qorshe ay usoo ban dhigtay kooxdiisa Liverpool oo ah inuu u kor dhiyo heshiiska uu kula jiro kooxda iyo in lagu daro heshiis kiisa in 100 milyan lagu bur burinkaro.
Shabaka Defenca Central ayaa sheegtay in gool dhaliyaha kooxda Liverpool uu dalab ka sugaayo kooxda Real Madrid inta in aanu go,aan ka gaadhin mustaqbal kiisa.
 suarez_2984403-565x300
Laacib kan iyo Aguero ayaa qor shaha ugu jira kooxda Real Madrid iyaga oo kala dooran doona mid kood bisha january ama xaggaaga.
 
 
 
Luis Suarez ayaa iska diiday dalabka kooxdiisa Liverpool kaas oo loogu laba jibaaraayo mushaar kiisa, waxaana laga yaabaa midaa inay soo dada jiso in kooxda Real Madrid ay si dag dag ah ay dalab ugusoo gudbiso laacib kan inta aanu  heshiis cusub usaxiixin kooxdiisa Liverpool.