Muj. Ibraahim Dhagaweyne Oo sheegay In Dalku Marayo xaalad ka xun ficiladii Afweyne lagula dagaalamay, xukuumadana uga Digay xadhiga Suxufiyiinta

Hargeysa-(Haatuf) -Afhayeenka Madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranka Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii milatari ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay ayaa sheegay in dalku wakhtigan xaadirka ah marayo marxalad qalafsan oo u baahan badbaado Qaran, waxaanu tilmaamay in halgankii dibu xoraynta dalku aanu wali dhamaanin, waxaanu xukuumada ku eedeeyay inay dalka ka abuurayso isku dhacyo iyo xaalado nabadgalyo daro.

Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hoteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale shacbiga ugu baaqay inay taageeraan mudahraadka ay ku baaqeen labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani, isagoo si kululna u cambaareeyay xadhiga suxufiyiinta madaxabanaan ay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hayso.

Ugu horayna Ibraahim Dhagaweyne isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dalkani waxa uu marayaa meel halis ah oo qarka u saaran burbur, waxaanu u baahan yahay badbaado Qaran. Mudaharaadka xisbiga Ucid ku baaqayna waa in la taageero oo ummadu ay ku dhiirato, xabad xukuumada oo kaliya ma haystaan, xaalada ay doonayaan ayaa lala tagi doonaa oo dab bay ku dul ciyaarayaan oo nabadgalyadii dalka ayay ku ciyaarayaan.

Dadkan maalin kasta xabada ay ku ridayaan ee ay leeyihiin suuqyada ku toogta midhaha ay u dhasho ayaynu eegi doonaa, ku talo gala saxaafadaay inay toogasho idiinla imanayaan, waxay moodayaan inay kalidood xabad iyo hub haystaan sidii Afweyne iyagoo leh xabada hala joojiyo ayaa la arki doonaa, walaahi in la arki doono iyagoo leh xabada joojiya oo baryootamaya, yaan loo habranin waxani waxay qayb ka tahay halgankii xoraynta dalka oo socda.

Ilaa dalkani hagaago isma taagayo, halgankii xoraynta dalka ha moodina in Siyaad Barre oo kaliya markii aynu erinay in halgankii istaagay wax ka xun baa maanta dalka ka dhacaya, halgankuna isma taagayo ilaa dalku dariiqa xaqa ah ee toosan uu ku dhacayo”

Sidoo kale waxa isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay siyaasiga Maxamed Isxal Yuusuf oo sheegay in diinta islaamku cadaysay inaan dadka loo gaysan dulmi iyo tacadiyo, qof kastaana dhashay isagoo xor ah, isla markaana cid aan dambi galin lagula kicin xaq daro.

Waxaanu ka digay xadhiga suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxabanaan inay tahay sharci daro, isagoo ugu dadweynahana ugu baaqay in waxkasta oo nabadgalyada wax yeelaya meel looga soo wadajeesto.