Patrick Vieira: Arsenal Waxaa Heysa Hogaamiye La’aan.

Ciyaaro-(Berberanews)-Hogaamiye la’aanta Arsenal heysa ayaa dhaawaceysa rejadooda inay koobab waa weyn ku qaadaan, sidaasi waxaa yidhi kabtankoodii hore Patrick Vieira.

 

Vieira ayaa muhim u ahaa khadka dhexe ee Arsenal intii u dhaxeysay 1996 iyo 2005, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdii loo bixiyay “Invincibles” ee horyaalka Premier League ku qaaday iyadoo aan marnaba dhinaca dhulka loo dhigin xilli ciyaareedkii 2003-04.740679-9298001-640-360

 

Arsenal ayaana ku guuldareysatay inay koob weyn hanato tan iyo markii Vieira uu ka tagay 2005tii, iyadoo ciyaaryahankii hore ee France uu aamisan yahay in kooxda Wenger ay u baahan tahay hogaamiye.

 

Vieira ayaa yidh: “Waxaan marka aad eegto Arsenal inay ciyaarayaan kubad fantastik ah, laakiin waxaad u baahan tahay inaad badiso marka aad xitaa si xun u ciyaareyso, mana qabo in Arsenal ay taasi awoodo waqtigaan la joogo.

 

“Waxaana sidoo kale jirta hogaamiye la’aan heysata kooxda.

 

“Ma heystaan ciyaartoy u dhiganta Tony Adams, Sol Campbell, Martin Keown. Ciyaartoyda ceynkaan oo kale ah waa hogaamiyayaal garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba ah.”

 

 

 

Vieira ayaa ka hadlayay barnaamij ay sameysay ITV oo la yiraahdo Keane and Vieira: The Best of Enemies kaasoo caawa la baahin doono islamarkaana looga hadlayo xafiiltanka ba’naa ee u dhaxeeyay labada nin.

 

Vieira ayaa sidoo kals ahaciyay inuu iska diiday daqiiqadii ugu danbeysay inuu u dhaqaaqo Real Madrid 2004tii isagoo qirtay inuu ka tagi lahaa Arsenal sannadkaas madaama uu ogaa inuu kooxda dheeri ku noqonayo sannadkii ku xigay.

 

Waxa uu yidhi: “Waxaan ku aad ugu dhawaa inaan ku biiro Real Madrid sannad ka hor inta aanan ka tagi Arsenal.

 

“Heshiis ayay gaaleen labada kooxood, sidaasi darteed markii la gaaray waqtigii aan bixi lahaa maankeyga ayaan bedelay sababtoo ah waxaan aaminsanaa inaan doonayay inaan joogo Arsenal, waxaan doonayay inaan xirfadeyda ciyaareed ku soo gabagabeeyo Arsenal.

 

“Ma aanan arkyenin sabab aan ku baxo, haddii aan ogaan lahaa inaan ka tagayo Arsenal sannadkii ku xigay markaa waxaan sii tagi lahaa Madrid.”