Hargeysa(Berberanews): – Saxaafadda Somaliland, ayaa maanta sameeyay dibad-bax aamusnaan ah oo salmni ah, kaasoo ay ku soo beegeen maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo maanta oo kale adduunka laga xuso.
Saxaafadda Somaliland, ayaa maanta isku soo bax ka sameeyay Magaalada Hargeysa, waxaanay muddaharaadka saxaafadda Somaliland ay maanta isugu so bexeen oo ay afka soo xidheen kaga soo hor jeedeen tacadiyada lagula kacayowariyeyaasha ee mar kasta ay dhacdo in sifo aan sharci ahayn loo xidho.
Muddaharaadka aamusnaanta ah ee saxaafadda Somaliland ay maanta dhigtay oo uu soo qaban qaabiyay ururka Suxufiyiinta Somalilan ee Solja.
.Dibad-baxa saxaafadda, oo uu ka qayb-galay xoghayaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa waxay xubnaha saxaafaddu ku soo beegeen maalinta xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah oo adduunka oo dhan laga xuso 10-ka bisha December.
Berberanews.com
Hargeysa Somalilad