Shirkad Chines Ah Oo Baabuurkii Ugu Horeeyay Ee Fur-furan Ku Rakibtay Hargeysa

Hargeisa-(Berberanews)-Wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland  Md. Abiib Diiriye Nuur, ayaa manta magaalaga Hargeysa kaga qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu daah-furayay shirkad Chineska oo dalka ka hirgalisay warshad baabuurta  furfurka ah lagu xidh-xidho isla marakaana  ku soo bandhigtay baabuurtii ama mootooyinkii ugu horeeyay ee ay isku rakibto.
 Wasiirka warshadaha Md. Abiib Diiriye, oo munaasibadaadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarada warshadaha Somaliland  ay heshiis wada galeen shirkado Chines ah oo dalka ka furaya warshado lagu isku rakiba baabuurta furfuran, waxaa hadalkiisa ku bilaabay,
 “runtii waxaa faraxad noo ah inaanu manta himiladayadii noo rumowday ama ficilkayagii halkan ku muujino in ay waxjira oo xaqiiqo ah tahay”. Ayuu yidhi, Md. Abiib Diiriye waxaanu isagoo hadlka siiwata sharaxay heshiis wasaaradiisu lagashay sharaa’iga Chineska ah, waxaanu heshiis laba geesood ah wadagalnay wasaarada warshadaha iyo masuuliyiinta shirkada Afro China Commerce Industry Group,waxaanu heshiis kuwada galnay in dhowr warshadood halkan ka sameeyaan oo ay kow ka tahay tan manta  xafladeeda taaganahay oo ah assemble baabuurta lagu xidh-xidho oo baqabuurta Chineska ah iyo kuwa kale oo caalamiga ahba halkan lakeeno oo lagu xidh-xidho iyo baaskiiladaha, waxaan dadwaynaha ugu bushaaraynayaa in sanadka cusub si buuxda howlahooda u bilaabi doonaan waxaan u mahad naqaynaa dowlada China”Gaadhi4
.
Mr; David Chin oo kamida masuuliyiinka  shirkada Afro China Commerce Industry Group, oo munaasibadaadaasi ka hadlay ay shirkadiisu ku soo bandhigaysay muunada baabuurkii iyo mootadii ugu horeysay ee dalka gudihiisa ku rakibto, ayaa sheegay in wasaarada warshadaha ay dalka ku soo dhaweysay ka dib markii ay heshiis wada galeen in dalka ay ka furan ilaa 20 wasrshado. Waxaanu xusay in labada dhinacba ay mudo kooban shaqo adag ku qabteen.
Gaadhi5

Masuuliyiinta shirkada Afro China Commerce Industry Group, ee heshiiska wada galeen wasaarada warshadaha Somaliland ayaa dalka timid badhtamihii bishii hore,  waxaanay xaqiijiyeen howlaha warshada ay dalka ka hirgaliyeen taas oo markii ugu horeysay dalka gudihiisa baabuur furfuran ku rakibtay.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland