Xukuummadda Xabsiga Ddhigtay Xubno ka mid ah UCID oo kaqaybgalay Bannaanbax Xisbigu ku qabtay Xaruntiisa

 Hargeysa(Berberanews) Mudaharaad xisbiga mucaaradka ee UCID hore ugu baaqeen oo loo balansanaa maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee Xuquuqal-insaanka, ayaa baaqatay ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu kaxaaraantinimisa oo diiday inay siiso warqadda ogolaanshiyaha ee ay codsadeen.

Haseyeeshee waxay taa bedelkeeda Xisbiga UCID Isu-xo bax ku qabteen Fagaaraha Xarunta Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, oo ay kula hadleen Masuuliyiinta Xisbigaasi.

Xukuumadda Somaliland ciidaamo Boolis ah dhigtay saaka subaxnimadii hore agagaarka xarunta Xisbiga UCID ee xaafada Shacabka, islamarkaana xabsiga dhigay xubno ka ah Xisbigaas oo ay ka mid yihiin Xoghayaha ciyaaraha ee xisbigaasi,  xoghayhaha abaabulka iyo xubno kale.

Guddoomiye-ku-xigeenak saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Guray oo la hadlay dadkii isugu so baxay Xaruntooda, ayaa sheegay inaanay jirin Dimuqraadiyad la yidhaahdo oo ka jirta Somalilad, isagoo arrintaa ka hadlaya waxauu yidhi, “Waxaynu ognahay dimuqraadiyaddii halka lala marayo, waxa la yidhi hadaan mucaarid firfircooni jirin dimuqraadiyadi ma jirto.”

Berberanews.com

info@berberanews.com