Ciyaarihii Xallay iyo Mucjisooyinkii Ka Dhacay Garoomada Yurub

Bayern Maxaa Qabsaday + Kulankii ugu Xiisaha Badnaa Oo Baaqday

Ciyaaro-(Berberanews)-Waxaa soogaba gaboobay intabadan kulamada wareegii ugu danbeeyay Group yada ee koobka horyaalada yurub iyadoo kooxaha qaar ay ka hadheen tartanka koobkan halka kuwa kalena ay noqotay inay u gudbaan wareega 16 ka ee Horyaalka Yurub.

 

Man United Oo 16 Ka Boos Ka Diyaarsatay Gallin Horeba

Group A: Kooxda Man United oo goor hore xaqiijsatay boos keeda wareega 16 ka ayaa 1-0 kaga badisay kooxda ree Ukrain ee Shakhtar Donetsk, daafaca kooxda Man United Phil Jones ayaa u dhaliyay kooxdiisa goolka madiga ah ee ciyaarta daqiiqadii 67 aad.

Dhanka kale kooxda Real Sociedad ayaa lagu dubtay garoon kooda iyadoo Bayer Leverkusen ay ku garaacaday 1-0, waxaana kasoo baxay Group kan kooxaha, Man united oo kusoo baxaday kaalinta koowaad iyadoo arursatay 14 dhibcood iyo Bayer Leverkusen oo kusoo baxaday kaalinta labaad oo leh 10 dhibcood.

man united

Kulankii Galatsaray Iyo Juventus Oo Baraf Garoonka Buuxiyey Loo Hakiyey

Group B: kooxda Real Madrid ayaa 2-0 Kag abadisay kooxda FC Kobenhavn oo ay marti ugu ahaayeen garoon keeda, Luka Modric ayaa udaah furay kooxda martida ahayd gool ka koowaad daqiiqadii 25 aad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay xidiga ree Portugal ee dhaawaca kasoo laaatay Cristiano Ronaldo daqiiqadii 48 ee qaybtii danbe ee ciyaarta balse isla Ronaldo ayaa koox diisa ka khasaariyay rigoodhe daqiiqadihii udan beeyay ciyaarta,

Kulan kii kale ee Group kan Galatasaray vs Juventus ayaa loo hakiyay baraf soo buuxiyay garoonka Galatasaray awgeed isagoo ahaa kulan ka ugu adkaa ee lawada sugaayay dawa shadiisa caawa, waxaana xusid mudan in Group kan ay kooxda Real Madrid kasoobax day goor hore iyadoo xaqiijisatay kaalinta koowaad ee Group kan waxayna leedahay 16 dhibcood halka Juventus ay leedahay 6 dhibcood, Galatasaray na 4 dhibcood.

G

Group C: Kooxda Benfica ayaa 2-1 ku garaacday kooxda borsada wayn ee PSG, Edinson Cavani ayaa gool kaga naxsaday kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 37 aad ee ciyaarta balse gool kiisa siima waarin ka dib mar kii Lima uu rigoore u dhaliyay koox diisa daqiiqadii 45 aad sidaas ayaana lagu kala nastay, daqiiqadii 58 aad ee qaybtii danbe Nicolas Gaitan ayaa ka dhaliyey goolka guuldarada .

Dhanka kale waxaa wada ciyaaray Group kaan kooxaha Olympiakos iyo Anderlecht iyodoo kooxda Olympiakos ay ku badisay 3-1. waxana kasoo baxay Group kan kooxaha PSG oo kusoo baxady kaalinta koowaad iyo Olympiakos oo kusoo baxday kaalinta labaad.

g2

 

Mucjisadii Ka Dhacday Arena iyo Wixii Qabsaday Bayern Munich

Group D: Group kan waxaa horay ugasoo baxay kooxaha Bayern Munich iyo Man city, labadooda ayeeyna dhex martay ciyaar aad u xiiso badan, Man City ayaa u muuqatay mid doonaysay inay kusoo baxdo kaalinta koowaad kadib markii ay 2-3 ku garaacday kooxda Macalin Guardiola, Man City ayaa gool lagaga naxsaday daqi qadii 5 aad ee ciyaarta waxaana dhaliyay Thomas Muller, waxaana usii labeeyay laacib kii hore ee kooxda dortmund Mario Gotze daqiiqadii 12 aad ee ciyaarta dad badan ayaan ku fikiray isla mar kiiba in Man City guul daro xanuun badan dhabarka loo saari doono lakiin wiilasha Pellegrini ayaa daadaal ay sameyeen suura gal ka dhigay inay garaacaan kooxda Bayern Munich, David Silva ayaa hal gool usoo celiyay kooxda Man City daqiiqadii 28 aad ee ciyaarta sidaas ayaana lagu kala nastay qeeybtii hore iyadoo kooxda Bayern Munich ay ku hogaaminayso 2-1.

Qaybtii danbe ee ciyaarta City ayaa lasoo baxday waji kale iyagoo helay goolka bar baraha kadib markii uu rigoodhe u dhaliyay Aleksandar Kolarov daqiiqadii 59 aad ee ciyaarta waxaana xaalada kusii xumeeyay wiilasha Guardiola James Milner oo gool ka guusha u dhaliyay koox diisa Man City daqiiqadii 62 aad sidaas ayeeyna kusoo idlaatay labada kooxood ayaa wada wadaaga min 15 dhibic lakiin kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay goolal kabadan inta ay dhalisay kooxda City taas ayaan ka dhigaysa in kooxda City ay ku jirto kaalinta labaad.

Dhanka kale Viktoria Plzen ayaa 2-1 ku dhufatay kooxda reer Russia ee CSKA  Moscow, Viktoria ayaana ku soo baxady kaalinta 3 aad iyada ayaan ciyaari doona Europa League.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com